Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Qaabiley Ergo Isku-xil-qaantay Xal-u-helidda khilaafka xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka ah

focus

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Qaabiley Ergo Isku-xil-qaantay Xal-u-helidda khilaafka xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka ah

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Qaabiley Ergo Isku-xil-qaantay Xal-u-helidda khilaafka xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka ah

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-06-2022 Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergo is-xil-qaantay oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal iyo Culimo Awdiin, maalmihii u danbeeyey ku hawllanaa isu soo jiidka arrimaha siyaasiga ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo labada Xisbi Mucaarid.
Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu odayaasha dhaqanka iyo culimada is-xil-qaamay ku soo dhaweeyey gacmo-furan, waxaanu u sheegay inuu u hayo xurmo iyo ixtiraam gaar ah. Dhinacooda Ergaduna waxay u sheegeen madaxweynaha in ay u socdaan in ay gacan ka gaystaan xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee dalka ka jira hadda.


Ugu dambeyn, shirkaasi waxa uu ku soo dhammaaday jawi wacan, waxaana la isku af-gartay in Golaha Guurtida oo sharci ahaan Qaranka Somaliland u qaabilsan xallinta khilaafku ay leeyihiin hawshan, iyagana ay tahay in laga war-sugo qaabka loo galayo hawsha.
Waxaana Madaxweynaha Qaranka shirka ku wehelinayey

  1. Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed
  3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed
  4. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud
  5. La-taliyaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde
  6. Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Cabdi Dheere
    Dhinaca Xubnaha Guddida is-xilqaantayna waxay kala ahaayeen:-
  7. Suldaan Xasan Xaddi Baade
  8. Suldaan Maxamed Cabdi Xasan
  9. Suldaan Salmaan Axmed Maxamed
  10. Suldaan Maxamed Muuse Nuur
  11. Suldaan Cawil Faarax Shire
  12. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Aw Cabdi
  13. Caaqil Cabdiraxmaan Maxamuud
  14. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
  15. Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
  16. Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal
  17. Caaqil Xasan Muuse Cabbaas
  18. Suldaan Axmed Xasan Jaamac
  19. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre
  20. Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre
  21. Suldaan Cismaan Baane
  22. Suldaan Axmed Daahir Muuse
  23. Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad
  24. Suldaan Ismaaciil sheekh Cumar Xasan
  25. Suldaan Axmed Aw Cali
  26. Suldaan Cali Jaamac Galaal
  27. Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale
  28. Suldaan Cabdillaahi Maxamuud
  29. Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Ciise
  30. Suldaan Abshir Maxamed Ducaale
    ALLAA MAHAD LEH
    Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL

More in focus

To Top