Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Soomaaliya oo u magacaabay Xamza Cabdi Barre inuu noqdo raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

focus

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xamza Cabdi Barre inuu noqdo raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu hore u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa raysal wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.

Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya ku dhashay horraantii 1970-kii.

More in focus

To Top