Connect with us

somalilandtoday.com

“Dhacdooyinkan Foosha Xun Ee Ay Xukuumadda Biixi Kula Kacday Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Wax Ay Galayaan Diiwaanka, Ciddii Geysatayna Sharciga & Shacabku Midna Saamixi Maayaan…” Cirro

focus

“Waxa aan xalay Dhakhtarka Manhal Hargeysa ku soo booqannay Mudane Xoghaye Maxamed Muuse X Cabdi [ Cawil Galaydh] oo dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen dhacdadii Khamiistii, si arxan darro ahna ula dhaqmeen Ciidanka Boolisku isaga oo dhaawac ah.

Ilaahay waxa aan uga baryeynaa in uu u malmaliyo dhaawacyada, una fududeeyo qaliinka uu saaka gelayo, annaga oo u rejaynayna in uu degdeg u caafimaado Insha Allah, dhacdooyinkan foosha xun ee ay Xukuumadda Biixi kula kacday Madaxda Xisbiyada Mucaaradka wax ay galayaan diiwaanka, ciddii geysatayna Sharciga & Shacabku midna saamixi maayaan.” Sidaa waxa yidhi murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro

More in focus

To Top