Connect with us

somalilandtoday.com

Beesha Caalamka Oo Ka Hadashay Madaharaadkii Ka Dhacay Hargeysa

focus

Beesha Caalamka Oo Ka Hadashay Madaharaadkii Ka Dhacay Hargeysa

Beesha Caalamka Oo Ka Hadashay Madaharaadkii Ka Dhacay Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Xubnaha Beesha Caalamka, gaar ahaan waddamada taageera Somaliland ayaa war kasoo saaray madaharaadkii ka dhacay magaalada Hargeysa.

Qoraal ay soo saareen Beesha Caalamka waxaa ay farriin ugu dirtay dhinacyada isku haya doorashada Somaliland, iyada oo ugu baaqday inay is xakameeyaan, oo ay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wadahadalka.

Sidoo kale qoraalka oo ay si wada jir ah u soo saareen wadamada Denmark, Finland, Netherlands, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in saaxibada Somaliland ka taageera doorashooyinku ay aad uga walaacsanyihiin madaharaadkii ka dhacay magaalada Hargaysa.

“Saaxibada Caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadaynta Somaliland, waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka watay ee Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii siyaasadeed ee maanta, waxaanu dhammaan dhinacyada ku boorinaynaa in ay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo, oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay soo jeediyeen xubnaha Beesha Caalamka, si loo ilaaliyo nabada, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada in ay dhinacyadu kusoo laabtaan miiska wadahadalada, si la’skula afgarto sidii hore loogu dhaqaaqi lahaa.

More in focus

To Top