Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Cagta Saartay Jidkii Kelitaskii Siyaad Barre Mid Ka Xun Iyo Kornayladda Is Mahadiyey Oo Muujiyey Markale Midabkoodii Dhabta Ahaa Ee 1994-kii

focus

Somaliland Oo Cagta Saartay Jidkii Kelitaskii Siyaad Barre Mid Ka Xun Iyo Kornayladda Is Mahadiyey Oo Muujiyey Markale Midabkoodii Dhabta Ahaa Ee 1994-kii

Somaliland Oo Cagta Saartay Jidkii Kelitaskii Siyaad Barre Mid Ka Xun Iyo Kornayladda Is Mahadiyey Oo Muujiyey Markale Midabkoodii Dhabta Ahaa Ee 1994-kii

Somaliland ayaa marraysa meel halis ah waxaana lagga cabsi qabaa inay nabadu durugto,kaddib markii ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay xidhay jidkii doorashooyinka dalka,taas oo meesha ka saartay guddidii doorashooyinka Qaranka Somaliland,waxaana la sheegay inay Xukuumaddu ku cadaadisay inay is -casilaan Komishankii doorashooyinku,iyadoo ay xusid muddantahay in saddex-dii xubnood ee ugu dambeeyey guddidaas ay toddobaadkii hore is casileen,kuwaas oo kale ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar.

Haddaba inta baddan in-dheer-garadka reer Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey walaac –yo ka muujinayey xaaladda dalka Somaliland,kuwaas oo muujiyey wer-werka iyo cabsida ay ka qabaan inuu dalku uu mar kale ka qarxo dagaal Sokeeye”Somaliland aniga xagayga waxa ku soo fool leh xili adag oo khilaafka guduhu gaadhi doono heer aanu gaadhin xiligii Rayaale iyo xilgii Axmed Silaanyo midna,Hadii Muuse isku halaynayo awoodda kursiga muddadii loo doortay ay dhamaatay uu rumaysto in cid kasta uu ku muquunin karo waa markaa marka xaaladda Somaliland ay halis u tahay in ay gaadhi karto heer aanay gaadhin tan iyo 1997kii.Ka joog ma jirto ku soco mooyaane.”ayuu yidhi Cali Guray oo inta baddan ka faallooda arrimaha Somaliland.


Waxaanu intaas sii raaciyey “.Markaa yaa gardaran? Ma Faysal iyo Cabdiraxmaan? Maya waxa gardaran NIN UU KIBIRKU SHAANSHAAN KA RIDAY, Muusoow haddii aad caqli leedahay Garxajis wax iskugu kiin hadhay ma jiraan ee ka joogso,haddii kale..”

Sidoo kalena waxa jira siyaasiyiin, aqoonyahay,madax-dhaqameed iyana walaac ka muujiyey xaaladda dalka ee wakhtigan, kuwaas oo dhammaan sheegay inay ka cabsi qabaan in markale uu dagaall beelaysan ka qarxo dalka,maddaama ay muuqato in Madaxweyne Biixi iyo kooxdiisu ay laabeen dastuurkii dalka,isla markaana ay khadka ka saareen doorashadii muddaysnayd ee Madaxtooyadda,kaddib markii ay garwaaqsadeen inay guul-darraysanayaan,haddii doorashada Madaxtooyadda ay dhacdo 13 November 2022, waxaana xaalkoogu lagu tilmaamay mid ay ku diidan yihiin Beesha Garxajis inay ku fadhiisato kursiga Madaxweynaha sida uu sheegay Guddoomiye Faysal “Cabdiraxmaan Tuur haddii aad tidhi fadhiisan maayo, maantana kaa aqbali mayno Faysal iyo Cabdiraxmaan Cirro inuu midkooda doorashada ku soo baxaa uu fadhiisto.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Xuseen


Dhanka kalene Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse iyo Wasiir Kaahin ay rabash ku caan-baxeen ilaa qaaxo “Waxaan leenahay labada kornaylow ilaa qaaxo ayaad la joogteen rebesh,dalkani digtaytar uma baahna,keligii taliye qaawan oo cidla taagan ,kalsoonidii shacabka wuu lumiyey muuse Biixi ..”

Isagoo ku baaqay in loo baahan yahay in dalka lagga bad-baadiyo keligii taliye “Waa in aynu dalkeena ka bad-baadinaa digtaytarka, Somaliland keligii Taliye Maxamed Siyaad Barre ayey ka diideen,keligii taliye qabiil ku hadaaqaya oo ummaddii kale qaybinaya waanu ku diidnay Somaliland ma oggola digtaytar.”ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in dalku uu cagta saaray jidkii murrugada lahaa ee 1994-kii “Waxay hayaan Waddadii 1994-kii, waxaa u daliil ah Maxamed Kaahin oo ku hadlayaa luqaddii 1994..,ina Kaahin isagoo Wasiirkii Amniga ah, ayuu haddana khal-khal abuurayaa.”

Geesta kalene Musharrax Cirro ayaa isna sheegay in dalku uu cagta saaray jidkii kelitaliyaasha, waxaanu sheegay in Xukuumaddu ay xidhay jidkii doorashooyinkan “Somaliland ma mudna in maanta qof keli ahi ka dhigto shaadh uu isagu tosho, way ka weyn tahay taas, ma oggolin in ay qaaddo jidkii dikteetarka.”


Isagoo intaas ku sii darray “Shacbiga Somalilandow bal ogaada maanta cidda tidhaahada Sanaaduuqda Doorashada la idiin dhigi maayo mana tartamaysaan ayaa Somaliland wax ka xumeynaysa oo wax ka burburinaysa, xilkuna innama wada saarna ee waxa uu saaran yahay Madaxweynaha talada haya.”ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro


Musharrax Cirro ayaa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Biixi iyo wasiiradiisu ay inqilaabeen jidkii doorashooyinka, isla markaana ay meesha ka saareen “Muuse iyo Wasiiradiisu waxa ay inqilaabeen wakhtigii doorashada Madaxtooyada, waxa aan in badan ka dignay in laga hortago marxaladdan aan maanta joogno, waxaa la joogaa wakhtigii aanaan indhaha ka qarsan karin godka madaw ee uu Muuse dalka ku riday, waxaa waajib ah in keligii taliyaha laga hortago.” Ayuu yidhi Cirro

Si kastaba ha-ahaatee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa u muuqata inay xidhay jidkii doorashooyinka dalka, mana jirto doorasho Madaxtooyo iyo mid ururro siyaasadeed oo sannadkan 2022-ka dalka ka dhacaysaa sida muuqata hadda, maddaama ay Xukuumaddu meesha ka saartay Komishankii doorashooyinka Qaranka Somaliland oo iyagu qaban lahaa doorashooyinkaas,waxaynu dhawr-naa waa xaalka Somaliland iyo arrimuhu halka ay ku dambeeyaan maal-maha soo socda.

More in focus

To Top