Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson Oo Ka Badbaaday In Xilka Laga Qaado

focus

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson Oo Ka Badbaaday In Xilka Laga Qaado

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson Oo Ka Badbaaday In Xilka Laga Qaado

(SLT-London)-Raysal Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa ka badbaaday cod kalsooni ah oo ay u qaadeen xildhibaanada xisbigiisa Conservative-ka, hase yeeshee waxaa aad loo wiiqay awooddiisa ayaada oo tiro aad u badan ay diideen.

Natiijada codka loo qaaday Johnson ayaa noqotay 211-148, taasi oo uu ku qeexay “natiijo qayaxan oo lagu qanci karo.”

“Dowlad ahaan hore ayaan u socon karnaa oo diiradda saari karnaa arrimaha muhiimka ah,” ayuu weriyayaasha u sheegay.

Johnson oo 57 jir ah ayaa u baahnaa taageerada 180 xildhibaan si uu u badbaado — taasi oo ah aqlabiyadda 359-ka xildhibaan ee xisbigiisa ugu jira baarlamanka.

Guuldarro ku dhacda ayaa ka dhignaan laheyd inay soo geba-gebowdo hoggaankiisa xisbiga iyo xilka Raysal wasaaraha.

Waxaa hadda ay diiradda u wareegeysa haddii Johnson uu ka badbaadi karo inuu lumiyey kalsoonida tiro sidaas u badan oo ah xildhibaanadiisa iyo haddii wasiirro sare ay is-casili doonaan.

“Dowladda Conservative-ka waxay hadda rumeysan tahay in jebinta sharciga aysan caqabad ku aheyn sameynta sharciga,” waxaa sidaas yidhi Keir Starmer oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labor-ka.

“Xisbiga Conservative-ka wuxuu hadda rumeysan yahay in shacabka Britain aysan xuquuq u laheyn inay fishaan siyaasiyiin daacad ah,” ayuu yidhi.

Codbixinta ayaa saaka oo salaasa ah qabsatay bogagga hore ee wargeysyada Britain, ayada Boris Johnson loogu yeedhay “nin dhintay oo socda.”

More in focus

To Top