Connect with us

somalilandtoday.com

Ma Dhabaa In La Weeraray Guriga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan??

focus

Ma Dhabaa In La Weeraray Guriga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan??

Ma Dhabaa In La Weeraray Guriga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan??

(SLT-Hargeysa)-Habeenkii Axadda ee isniintu soo galaysay, waxa magaalada Hargeysa ka dhacday dhacdo ugub ah, kadib markii shirqool u muuqday weerar ujeedaysan lagu qaaday guriga guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan. Weerarkan oo ahaa mid halis ka dhalan kartay ayaa la fuliyey xilli saq dhexe oo ay dadka intiisa badan hurdaan. Sida aanu ka soo xigannay xubno ka tirsan qoyska guddoomiye Xirsi, waxa guriga guddoomiya la hordhigay laba taayir oo ololaya iyadoo lau dhaweeyey qaybta dhirta iyo ubaxyada ee guriga taasoo loo fahmay in kooxda shiqroolka fulinyasay ay doonaysay in dabku hoe u qabsado dhirta si ay u fududaato faafistiisu.

Haseyeeshee qoyska guddoomiyaha iyo dadka jaarka ah ayaa arrintaasi si degdeg ah ugu war helay waxaanay ku guulaysteen in dabkii la xakameeyo, waxaana xusid mudan in guddoomiyuhu wakhtigaas u uku sugnaa gurigan laftiisa.

Ma cadda cidda ka dambaysay iyo ujeedada shirqoolkan dabka loo adeegsaday, hase yeeshee dad badan ayaa ku fasiray in arrintani u muuqato cabsi galin lagu samaynayo guddoomiye Xirsi xilli uu dalku ku jiro xaalad siyaasadeed oo cakiran.

More in focus

To Top