Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Hubeysan Oo Toogasho Ka Geystay Cisbitaalka Ku Yaalla Mareykanka

focus

Nin Hubeysan Oo Toogasho Ka Geystay Cisbitaalka Ku Yaalla Mareykanka

Nin Hubeysan Oo Toogasho Ka Geystay Cisbitaalka Ku Yaalla Mareykanka

(SLT-Tulsa)-Nin ku hubeysnaa qori iyo bastoolad ayaa toogasho ka gaystay cisbitaal ku yaalla Magaalada Tulsa ee Gobolka Oklahom.

Booliska ayaa sheegay in toogashada oo ka dhacday cisbitaalka St. Francis uu ninkaasi ku dilay afar qof, tiro kalena uu ku dhaawacay.

Taliye Kuxigeenka Booliska ee Magaalada Tulsa, Eric Dalgleish ayaa sheegay in ninkaasi uu toogashada gaystay, markii uu gudaha u galay dhismaha cisbitaalkaasi.

Sida uu boolisku sheegay ninkaasi ayaa isna geeriyooday, waxaana loo maleynayaa in uu gacantiisa isku toogtay.

Duqa Magaalada Tulsa, G.T. Bynum ayaa maamulka iyo shaqaalaha cisbitaalkan ku ammaanay inay qabteen shaqadii ugu weyneyd, xilligii COVID-19 uu faraha kulul ku hayay.

18-kii bishii hore ee May, nin hubeysnaa ayaa 21 qof oo 19 ka mida ay carruur yihiin ku laayay iskuul ku yaalla magaalada yar ee Uvalde ee Gobolka Texas.

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa dadkiisa ugu baaqay inay codkooda kor u qaadaan, si looga hortaggo amaba loo yareeyo dhibaatooyinka la xidhiidha toogasho wadareedya.

More in focus

To Top