Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo Shaaciyay In La Qabtay Nin Madaxiisa La Dul Dhigay Hal Milyan Oo Dollar

focus

Maraykanka Oo Shaaciyay In La Qabtay Nin Madaxiisa La Dul Dhigay Hal Milyan Oo Dollar

Maraykanka Oo Shaaciyay In La Qabtay Nin Madaxiisa La Dul Dhigay Hal Milyan Oo Dollar

(SLT-Nairobi)-Mid ka mid ah laba nin oo uu Mareykanku ku raadjoogay oo loo haysto ka ganacsiga daroogada ayaa lagu xidhay dalka Kenya.

Badru Abdul Aziz Saleh ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xilli uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska Kenya.

Waa afar maalmood uun ka dib markii Dambi baadhista iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta.

Cabdi Xuseen Axmed, oo isna lagu sheegay gacan-ku-dhiigle ah, ayaa weli maqan. Mr. Saleh ayaa ku xidhan xarunta dhexe ee booliska la dagaalanka argagixisada (ATPU), iyadoo dambi baadhayaasha ay su’aalo weydiinayeen si loo ogaado xidhiidhka uu la leeyahay Axmed, halka uu ku sugan yahay iyo dhaqdhaqaaqyada uu dalka ka wado.

Safaaradda Mareykanka ayaa usbuucii hore ku yaboohday 100 milyan oo shilinka Kenya ciddii keenta xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto Mr Saleh oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada

Safaaradda Mareykanka ayaa fiidnimadii salaasadii xaqiijisay qabashada ninkan baxsadka ah, waxayna shacabka ku ammaantay inay gacan ka geysteen soo qabashadiisa.

Bayaan ay soo saareen, mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ku shaqeynta xog ka timid dadweynaha oo ay heshay Agaasinka dambi baadhista, saraakiisha sharci fulinta Mareykanka iyo Kenya ay iska kaashadeen soo qabashada Saleh Isniintii.

More in focus

To Top