Connect with us

somalilandtoday.com

Reer Galbeedka Oo Ugu Baaqay Vladimir Putin In Uu Wadahadallo Toos Ah La Yeesho Madaxweynaha Ukraine.

focus

(SLT-Paris)-Hoggaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku booriyay Vladimir Putin inuu wada xaajood toos ah la yeesho madaxweynaha Ukraine.

Emmanuel Macron iyo Olaf Scholz oo ah hoggaamiyaha Jarmalka ayaa 80 daqiiqo taleefoon kula hadlay Mr Putin.

Kremlin-ka, Ma sheegin suurtagalnimada wadahadal toos ah oo dhexmara Mr Putin iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, balse hoggaamiyaha Ruushka wuxuu sheegay in Moscow ay diyaar u tahay inay dib u furmaan wadahadalladii ay la lahaayeen Kyiv.

Madaxweynaha Ukraine ayaa mar sii horreysay sheegay in aanu “u hamuun qabin” wada hadal, balse waxa uu intaa ku daray in lagama maarmaan tahay in la soo afjaro colaadda.

More in focus

To Top