Connect with us

somalilandtoday.com

Xeer-Ilaalihaya Masar Oo Amray In Lasii Daayo Gabar Soomaali Ah Dishay Nin Isku Dayay Inuu Kufsado

focus

Xeer-Ilaalihaya Masar Oo Amray In Lasii Daayo Gabar Soomaali Ah Dishay Nin Isku Dayay Inuu Kufsado

Xeer-Ilaalihaya Masar Oo Amray In Lasii Daayo Gabar Soomaali Ah Dishay Nin Isku Dayay Inuu Kufsado

(SLT-Qaahira)-Gabadh Soomaalid ah oo 15 jir ah oo ku nool dalka Masar ayaa si weyn u qabsatay warbaahinta dalkaasi, kadib markii ay dishay darawal bas yar oo la sheegay inuu isku dayay inuu ku kufsado.

Gabadhan oo aan magaceeda warbaahinta laga sheegin, ayaa Mindi ku dishay Darwalka oo la sheegay isku dayay inuu kufsado, iyadoo falkaan kadibna ay isku dhiibtay booliiska dalkaas.

Sida laga soo xigtay wakaaladaha wararka ee maxaliga ah, gabadha yar ayaa Bus yar ka raacday gurigeeda oo ku yaalla degmada la yidhaahdo 6th of October City. Darawalkii ayaa ka faa’ideystay in ayna jirin rakaab kale oo la socday, waxuuna u kaxeeyay meel cidlo ah si uu u fara xumeeyo, isagoo Mindi qoorta ka saaray.

Gabadha ayaa u suurtagashay in ay mindida gacantiisa ka dafto oo ay xabadka kaga dhufato. Sida ay sheegtay, waxa ay mindida ku dishay iyada oo is-difaacaysa, dilkiisan aanay ujeeddo kale ka lahayn.

Xeer ilaalinta oo markii hore go’aamisay in gabadha lagu sii hayo xabsiga booliska muddo afar maalmood ah, ayaa maanta go’aamisay in laga saaro xabsiga baadhitaan la sameeyay kadib.

Baadhitaan lagu sameeyay goobtii uu falka ku dhacay, caddeymo lagasoo aruuriyay iyo baadhitaano dheecaaan ah oo laga qaaday gabadha kadib waxay Booliska xaqiijiyeen in falkaasi uu sax yahay sida ay gabadha ku caddeysay baadhitaannada.

Warbixinta danbi baadhista ayaa lagu sheegay in hab-dhaqanka Darawalka, ay sabab u ahayd dhimashadiisa ka dhalatay iskudayga uu ku doonayay inuu kufso ugu geysto Gabadha.

More in focus

To Top