Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cali Warsame Xasan oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 28/05/2022, Dalka Urdun
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sheekh caalim ah oo ka baxay dalka iyo dadka, muddo dheerna wax soo barayey bulsho badan, kana aflaxeen kumanaan Culimo ahi, isagoo ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Dhan kale Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa isaguna ka hadlay geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cali Warsame Xasan waxaanu yidhi sida tan:
“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waxgaradka, waayeelka, Culimada, iyo Shacbiga reer Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Sheekheennii weynaa Marxuum Sh Cali Warsame Xasan oo xaqii ugu yimid Dalka Jordan.
Sheekh Cali, waxa uu ka mid ahaa rukunnada waaweyn ee Culimada Soomaalida oo idil, waxa uu dacwadda iyo wanaagga farista ka shaqeynayey muddo ka badan NUS Qarni, Ilaahay baan u weydiineynaa in uu ka casuumo Jannatul Firdowsada sare, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo. Aamiin.”
Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isaguna ka hadlay geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cali Warsame Xasan waxaanu yidhi sida tan:
إنا لله وإنا إليه راجعون”
Waxaan shacabka reer Somaliland, dadka Soomaalida ah iyo ummadda muslimiintaba tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid caalimkii weynaa ee Sh. Cali Warsame Xasan oo saaka geeridiisa laga soo sheegay Dalka Urdun.
Shiikha ayaa cimrigiisa u hubiiyeey diinta iyo dacwadda isaga oo noloshiisa ku qaatay faafinta iyo dhigista diinta Islaamka. Waxaan Shiikha Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, dembigiisa dhaafo, kana abaalimariyockhayrkii uu ka shaqaynayay iyo wakhtigiisa uu diintiisa geliyay.
Si gaar ah, waxa aan ugu tacsiyayanaa qoyska iyo qaraabada Shiikhu ka baxay.”