Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamad Ku Taalla Maamulka Puntland Oo Amartay In Lasoo Xidho Wasiirro Iyo Agaasimayaal Loo Haysto Kiis Culus

focus

Maxkamad Ku Taalla Maamulka Puntland Oo Amartay In Lasoo Xidho Wasiirro Iyo Agaasimayaal Loo Haysto Kiis Culus

Maxkamad Ku Taalla Maamulka Puntland Oo Amartay In Lasoo Xidho Wasiirro Iyo Agaasimayaal Loo Haysto Kiis Culus

(SLT-Garowe)-Kadib olole kacdoon shacab ah oo ka billaamay baraha bulshada bilihii ugu dambeeyey laguna dalbanayey in maamulka Puntland uu wax ka qabto shaqsiyaadka billaabay ka ganacsiga iyo dhoofinta geed quwaaxa ee loo dhoofiyo wadamada Imaaraadka iyo Shiinaha ayaa wuxuu keenay in maamulka Puntland bilaabo olole lagu soo qabanayo dadkii arrintaas ku lugta lahaa.

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay ka dambeeyaan qorshaha lagu dhoofinayo geedahaas.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Aw-cismaan ayaa waaran u jaray Maanta mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland iyo kuwa hadda xil haya oo ku eedeysan dhoofinta dhirta iyo geedaha.

Mas’uuliyiinta arrintaan ku lug yeeshay ee waaranka loo jaray ayaa waxaa kamid wasiiro, agaasimayaal iyo dad shacab ah inkastoo ayna weli dowladda qaadin tallaabo lagu soo qabanayo dadka waaranka loo jaray.

Magacyada mas’uuliyiinta maxkamadda looga yeedhay ayaa waxaa kamid ah:

1- Cabdisamad Maxamuud Maxamed Muuse, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsciga Puntland.

2- Liibaan Maxamed Faarax Barre, agaasime ka tirsan wasaaradda deegaanka

3- Cabdiraxmaan Salaad Showle

4- Naciimo Jaamac Cumar Jaqaloon

5- Cabdinaasir Abshir Gaayir

Sidoo kale, laba wasiir oo kamid ah mas’uuliyiinta waaranka loo jaray oo aan la magacaabin ayaa waxaa la sheegay in loo mari doono sharciga si xasaanadda looga qaado una fududaato in maxkamadda la keeno.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay dib kasoo gudbin doonto waqtiga loo fadhiisanayo dacwadda, waxayna amar ku bixisay in si deg deg ah loo keeno maxkamadda dadka lasoo eedeeyey.

Tallaabadaan ayaa kusoo beegmaysaa xilli ay si weyn u socotay maalmahaan dhoofinta dhirta iyo geedka quwaaxa, waxaana meelaha sida weyn looga dhoofinayo kamid ah Burtinle, Eyl iyo meelo kale.

More in focus

To Top