(SLT-Addis Ababa)-Jeneraal caan ah oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo dhaliili jiray xukuumadda raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa Jimcihii kasoo muuqday maxkamadda, kadib markii toddobaadkan la xidhay, sida ay sheegtay xaaskiisa, xilli la xidh-xidhayay qaar ka mid ah dadka u ololeeya siyaasadda qowmiyadda Amxaarada.
Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa ahaa taliyaha ciidanka Axmaarada ilaa bishii February markaas oo xilka laga xayuubiyay, iyada oo aan la sheegin sababta. Ciidammada Axmaarada ayaa taageerayay ciidamada federaalka ee Abiy ee kasoo horjeeda xoogaggii kacdoonka waday ee waqooyiga Tigray markii uu dagaalku ka qarxay halkaas sannadkii 2020.
Axaddii hore, Tefera ayaa waraysi uu siiyay TV waxa uu ku naqdiyay istiraatijiyada Abiy ee ka dhanka ah kooxda TPLF, isagoo sidoo kale ku eedeeyay xubnaha Axmaarada ee ka tirsan xisbiga tallada haya ee raysal wasaaraha in lagu dhiirrageliyay lacag.
Menen Haile, oo ah xaaska Tefera, ayaa sheegtay in lagu hayay xabsiga muddo toban maalmood ah. “Boolisku waxay sheegeen inay tuhunsan yihiin inuu ka shaqaynayo inuu si xoog ah u burburiyo nidaamka dastuuriga ah,” ayay u sheegtay Reuters.
Tefera ayaa lagu xidhay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Isniintii, Menen ayaa sidaas yidhi.
Dhinaca kale,shan weriye oo ka tirsan warbaahinta maxalliga ah ee Ashara, ayaa sidoo kale la xidhay Khamiistii, sida uu saaxiibkood u sheegay Reuters. “Dadka kaxaystay suxufiyiinta waxay ku labisnaayeen dharka ciidammada gaarka ah ee Axmaarada, Booliiska Axmaarada iyo ciidammada ka hortaga rabshadaha, markii ay qabteen waxaan ku dhex dhuumanayay musqul” ayuu yidhi taliyaha oo intaa ku daray inay xidheen xafiisyadii Ashara ee magaalada Bahir Dar.
Saraakiisha Axmaarada, millatariga iyo booliiska ayaan wax hadal ah ka bixin dhacdooyinka.