Connect with us

somalilandtoday.com

Xog: Siciid Deni Oo Qorsheynaya Laba Tallaabo Oo Xasaasi Ah Marka Uu Ku Laabto Maamulka Puntland

focus

Xog: Siciid Deni Oo Qorsheynaya Laba Tallaabo Oo Xasaasi Ah Marka Uu Ku Laabto Maamulka Puntland

Xog: Siciid Deni Oo Qorsheynaya Laba Tallaabo Oo Xasaasi Ah Marka Uu Ku Laabto Maamulka Puntland

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha maamulka gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guul-darreystay doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya, ayaa qorsheynayo in marka uu dib ugu laabto magaalada Garoowe uuna qaado dhawr tallaabo oo uu u arko inuu ku ilaabi karo cadhadii uu ka qaaday guuldaradii doorasho ee Muqdisho.

Saciid Deni ayaa qorsheeyay in tallaabada koowaad uu ka qaado madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo xiligii Deni uu ku sugnaa Muqdisho soo saaray wareegto uu xilka kula wareegay, islamarkaana safarka Deni ku tilmaamay mid sharci darro ah, maadaama uu olole siyaasadeed galayna ay aheyd inuu xilka wareejiyo.

Deni ayaa waxaa u qorsheysan in uu kiciyo xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo kulankooda ugu horreeyo uu dhici doono bisha June, hase ahaatee suuragal ay tahay in lasoo hormariyo furitaanka fadhiga baarlamaanka Puntland si loosoo gabagabeeyo waayaha xukun ee Axmed Karaash.

Tallaabada labaad ee uu qaadi doono Deni ayaa noqon doonta inuu tallaabo aan caddeyn uu ka qaadi doono kooxdii reer Puntland ee ku dhabar jabisay doorashadii uu ku guuldareystay ee madaxtinimada Soomaaliya, kooxdaasi oo isla doorashooyinkii golaha deegaanka ee Qardho guuldaradii uu kala kulmay sidaan oo kale dhabar jabiyay una sabab ahaa guuldaradii soo gaadhay.

Kooxda dhabar jabisay oo isugu jirta xildhibaano heer federaal iyo siyaasiyiin ayaa wararka ay helayaan warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay soo xigatay Somalilandtoday ay sheegaya inay ka mid yihiin xildhibaano laga soo doortay Puntland oo tiradooda gaadhayaan lix kuwaas oo aan codkooda siinin Saciid Deni, waxaana xubnahaasi ka mid, Sacdiya Salaad Samatar oo ah guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamanka, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Sareedo Maxamed Cabdi iyo xildhibaan Cali Xoosh.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

More in focus

To Top