Connect with us

somalilandtoday.com

“Haddii Lay Dilo, Waxaa La Baahinayaa Muuqaal Aan Kaga Hadlayo Cidda I dishay…” Raysal Wasaarihii Hore Ee Pakistan Oo Sheegay Inuu Socdo Qorshe Lagu Dilayo

focus

“Haddii Lay Dilo, Waxaa La Baahinayaa Muuqaal Aan Kaga Hadlayo Cidda I dishay…” Raysal Wasaarihii Hore Ee Pakistan Oo Sheegay Inuu Socdo Qorshe Lagu Dilayo

“Haddii Lay Dilo, Waxaa La Baahinayaa Muuqaal Aan Kaga Hadlayo Cidda I dishay…” Raysal Wasaarihii Hore Ee Pakistan Oo Sheegay Inuu Socdo Qorshe Lagu Dilayo

(SLT-Faisalabad)- Raysal wasaarihii hore ee dalka Pakistan ayaa sheegay inuu socdo qorshe lagu khaarijinayo, isagoo falkaasina ku eedeeyay inay wadaan wadamada reer Galbeedka iyo Mareykanka, taasoo loogu ciqaabayo safarkii uu ku tagay Ruushka iyo qaadashada siyaasadda dhex dhexaadnimada ku saleysan.

“Gudaha Pakistan iyo weliba meelo debedda ah, ayaa la iigu maleegay shirqool khaarajin ah” sidaas waxaa sheegay ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan oo ka soo muuqday isu soo bax ka dhacay magaalada Faisalabad.

Waxa uu ku hanjabay in la baahin doono muuqaal sir ah uu duubay kaasoo ay ku cad yihiin cidda qorshaha dilkiisa maleegeysa iyo waxa lagu heysto, isagoo tilmaamay inay dhawaan qaban doonaan banaanbax weyn oo lagaga soo horjeedo go’aankii baarlamaanka uu ku riday iyo u diyaar garowga doorashooyinka soo socda.

“Waxaan hayaa farriin muuqaal ah oo aan duubay, waxaanna ku hayaa meel ammaan ah. Haddii ay wax igu dhacaan, Illaahay innaguma keenee, waxaa la sii baahin doonaa muuqaalkan duuban, halkaas oo aan ku faahfaahinayo dhammaan dhinacyada ku lugta lahaa isku dayga la doonayey in la igu khaarajiyo”  ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kalena, Dowladda Mareykanka oo ka jawaabtay eedaymaha Imran Khan  ayaa beenisay, iyadoo eedahaasina sal uga dhigtay mid la doonayo in hoos loogu dhigo xidhiidhka ay la leeyihiin dowladda Pakistan.

“Ma aqbalayno dacaayadaha, macluumaadka khaldan iyo in war-xumo-tashiilku uu carqaladeeyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee aan la leenahay Pakistan, oo ah mid aad u wanaagsan” sidaas waxaa yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda Maraykanka Ned Price.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

More in focus

To Top