Connect with us

somalilandtoday.com

Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

focus

Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad ku guuleystey doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya kadib markii uu wareeggii ugu dambeeyay uu kaga adkaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shantii sanno ee la soo dhaafay ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Madaxweyne ee ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa isku soo sharaxay illaa 39 musharax balse ay ka hadheen illaa afar musharax, balse wareeggii koowaad ayaa waxaa ka soo gudbay afarta musharax ee Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Saciid Cabdulaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

Wareegii labaad ayaa waxaa ka soo gudbay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha haatan waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Waxaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ka billaamay dabaaldegga guusha Xasan Sheekh Maxamuud oo mudadii afarta sanno ee uu xukunka hayay uu dalku gaadhay horumar ballaadhan.

Taariikhda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxaa marlabaad loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hore muddo afar sano ah 2012-2016 ahaa madaxweynihii dalka Soomaaliya.

More in focus

To Top