Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaariyay Xildhibaan cusub oo ka mid noqday golaha guurtida

focus

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaariyay Xildhibaan cusub oo ka mid noqday golaha guurtida

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaariyay Xildhibaan cusub oo ka mid noqday golaha guurtida

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/05/2022, dhaariyay Ibraahim Muxumed Aw-Axmed X. Aadam, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Guurtida JSL.

Xubinta la dhaariyay ayaa buuxisay, jago uu dhawaan banneeyay, mudane Muxumed Aw-Axmed X. Aadam, taasi oo golaha Guurtidu ay maxkamadda sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, Ibraahim Muxumed Aw-Axmed X. Aadam, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

ALLAA MAHAD LEH

More in focus

To Top