Connect with us

somalilandtoday.com

Shil Gaadhi Oo Dad Badan Ku Dhinteen Oo Dhacay Dulleedka Magaalada Hargeysa

focus

Shil Gaadhi Oo Dad Badan Ku Dhinteen Oo Dhacay Dulleedka Magaalada Hargeysa

Shil Gaadhi Oo Dad Badan Ku Dhinteen Oo Dhacay Dulleedka Magaalada Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Dulleedka bari ee Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka dhacay shil gaadhi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo kala ahaa gaadhi Booyad ah iyo mid kale oo nooca loo yaqaano iska rogada, kuwaasi oo iskaga horyimid agagaarka tuulada Burcada-yar ee Bariga magaalada Hargeysa.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku dhintay shilka, halka tiro kale oo dad ah ay dhaawacyo soo gaadheen, waxaana dhammaan dadkii ay kamid yihiin dadkii saarnaa gaadhiga, dhaawacyada ayaa loola cararay cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka ilaalada waddooyinka Somaliland ayaa tegay goobta uu shilka ka dhacay, isla markaana wada baadhitaano la xidhiidha sida uu shilkaas ku dhacay.

Sawirro laga soo qaaday gaadhiga shilka ayaa muujiyay burbur xooggan oo gaadhay gaadiidka, iyadoona mid kamid ah gaadiidka isku dhacay uu dab ka kacay, kadibna uu burburiyay intiisa badan.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top