Connect with us

somalilandtoday.com

SACIID DENI Ma Wuxuu U Tartamayaa Xil Madaxweyne Mise Raysal Wasaare?

focus

SACIID DENI Ma Wuxuu U Tartamayaa Xil Madaxweyne Mise Raysal Wasaare?

SACIID DENI Ma Wuxuu U Tartamayaa Xil Madaxweyne Mise Raysal Wasaare?

(SLT-Muqdisho)-Saciid Cabdullaahi Deni waa musharaxii labaad ee isagoo ah madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya kadib Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, 2004.

Siciiid Cabdullaahi Deni waa siyaasi wasiir kasoo noqday dowladda federaalka, wuxuuna hore ugu tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse doorashada 2022 waa musharax ka duwan sidii hore.

Wuxuu dagaal aan waxba la iskula hadhin la galay Farmaajo iyo maamulkiisii, isagoo hoggaamiye u ahaa mucaaradka dowladda, wuxuu garab iyo gashaan u noqday Axmed Madooba-ha Jubbaland, ugu dambeyn wuxuu ku guulleystay dagaalkii siyaasadeed ee uu la galay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharax Madaxweyne Siciid Deni sida uu ku sheegay khudbadii uu ku shaaciyey musharaxnimadiisa in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay in aanu Farmaajo mar kale kusoo laaban madaxweynenimida Somalia, taasoo ka dhigan dhammeystirka halgankiisa.

Inkastoo codad badan uu heysto, soona saartay inta badan xildhibaannada labada Aqal ee kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni ma aha musharax loo sadaalinayo inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Inkastoo uu wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha gaadhi karo, haddana waxaa la rumeysan yahay in Siciid Deni halka ugu sarreysa ee uu gaadhi karo ama uu raadinayo ay tahay isbaheysi cod iyo xil is-weydaarsi ah oo uu la galo mid ka mida musharixiinta ugu codadka badan wareegga koowaad, marka laga reebo Farmaajo.

Musharax Siciid Deni waxaa la filayaa inuu raajicinayo xilka raysal wasaaraha Soomaaliya, dadaalkiisuna halkaas ku suntan yahay, kaasoo aan la damaanad qaadi karin marka la eego loolanka adag ee xilka Madaxweynaha.

Waxaa la saadaaliyey inuu aad ugu dhow yahay isbaheysi uu la galo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna waajahaya tartan saddex geesle ah oo adag, Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Xasan Kheyre.

More in focus

To Top