Horta erey bixinta sharci ee qudbadani ma jiro qodob dastuuri ah oo gaar uga hadlaa sidaa u qoran tahay laakiin waxa ay ku jirtaa qodobka 38naad ee dastuurka faqradiisa 6aad oo sheega fadhiyada wadajirka ah ee labada gole wakiilada iyo Guurtida.
Markaa qudbadani waxa ay ugu dhowdahay ta uu tilmaamay qodobka 38naad faqradiisa 6aad xarafka (b) waxaana la yidhaahdaa dhageysiga warbixinta madaxweynaha ee furitaanka labada gole.
Macnaha hadii aan sii faah-faahiyo maadaama kalfadhiyada caadiga ah ee goleyaashu yihiin sadex kalfadhi oo qaadanaya mudo sideed iyo labaatan todobaad ah ( 28 todobaad ) oo labadii kalfadhi ee kasta ay u dhaxayso afar todobaad ( 4 todobaad ) sida ku cad qodobka 46naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland.
Waxaa jiraya in sanadkiiba xili isku mid ah uu furmo kalfadhiyada baarlamaanka jamhuuriyada Somaliland ( wakiilada & Guurtida ) oo madaxweynuhu furo isla markaana war bixin ka jeediyo sida ku cad qodobka 38naad faqradiisa 6aad xarafka b , warbixintaasi waxa uu qorey dastuurku in ay tahay dhageysi markaa ma jirto meel su’aalo lagaga weydiin karaa.
Warbixinta madaxweynaha ee sanadlaha ahi maxay noqon kartaa ?
Maadaama aynu soo xusnay in uu furitaanka kalfadhiyada baarlamaanka sanadwalba madaxweynuhu furayo isaga oo ka jeedinaya warbixin , dastuurku ma qeexin hayeeshee waxa aynu garan karnaa in uu madaxweynuhu goleyaasha qaranka siiyo Warbixinta sanadkii la soo dhaafay ee dalka , waxii u qabsoomay , waxii la kulmay dhibaatooyin iyo waxii qaranku guulo gaadhay.
Sida aynu uga baranay madaxweynayaasha waxa ay ka hor akhriyaan labada gole warbixin dheer oo qaadata inta u dhaxaysa 30 daqiiqo ilaa saacad oo qoraalka uu sito bog bog u akhriyo arinkaasi oo laga yaabo in aanay faham badan ka qaadan dadka daawanaya iyo mudaneyaasha uu u jeedinayaa ama aan la sugi karin waxii ka xaqiiqo ah.
Markaa mala yeeli karaa si sidii hore ka duwan oo aad uga macquulsan ? Haa ayaan qabaa
Warbixinta madaxweynaha waxa laga soo sameynayaa buug yare la siiyo mudane walba si uu ula socdo halka uu ka hadlayo madaxweynaha iyo waxa ay tahay , sidoo kale madaxweynuhu iyo shaqaalihiisu muhiimada iyo nuxurka qudbada waxa ay ka soo dhigi karaan qaab kooban .
Warbixinta madaxweynuhu waxa ay ka waremaysaa marka koowaad waa laba qaybood 1- Gudaha dalka iyo waxii ka qabsoomay sanadkii la soo dhaafay iyo dhacdooyinkii qaranka soo waajahay iyo 2- Dibada dalka waxii Somaliland uga qabsoomay.
Halkan hoose ka DAAWO
Haddaba waxa jirta qayb sadexaad oo madaxweynuhu ku daray sanadkii hore markuu jeediyey warbixintii oo ahayd in uu ka waramay muruga siyaasadeed ee axsaabta siyaasada iyo in aan xal loo hayn oo ay wax badan isku diideen , hadda oo qaranka ay sugayaan sadex doorasho isla markaana aanu wali jirin xiligii la galayey ( elections timetable) .
Lagana yaabo in doorashooyinku is riixaan ama qorshe doorasheedkii qaranka ( elections schedule map ) ay wax iska badelaan kaasi oo dalka ka abuuri kara muran hor leh , inkasta oo in xeer lr-14/2011 iyo kaabistii maxkamada ay soo dhaweeyeen sadexda xisbiba isla markaana uu yahay ka lagu galayo tartanka ururada iyo axsaabta siyaasada haddana wali lama ansixin gudigii diwaangalinta ee hawshani lahayd , komishankii doorashooyinka ee cayimida doorashooyinka lahaana murug baa ka dhex taagan arimahani ayaa abuuri khilaaf hor leh , waxaana loo badinayaa in madaxweynuhu ka hadli doono.
Isku soo wada xoori ma banaana in madaxwaynaha su’aalo la weydiiyaa , sidoo kale labada gole midkood baa cusub oo ah markii koowaad ee madaxweynuhu hor yimaado halka golaha guurtida markii 4aad ay noqonayso.