Dr. Gaboose, 20 Sanno iyo shan Urur-siyaasaddeed
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waa Siyaasi rug cadaa ah oo saameyn badan ku leh Somaliland, isla markaana waxa lagu tilmaamaa siyaasiyiin mayalka adag aan ka daalin ka midho dhalinta hadafkiisa, waxaana tan ku muujinaysa tallaabooyinkan is xig xigay ee ku abuuray Ururrada Siyaasadda oo gaadhaya illaa shan urur-siyaasaddeed oo aan mid keli ah ka gaadhin hadafkii uu u sameeyey, balse isagu waxa uu hadafkan ku macneeyey inuu u halgamayo xuquuq muwaadiniintu leeyihiin oo ah in aan saddex urur lagu koobnaan ee fursad la siiyo dadka kale.
Ugu yaraan laba jeer ayaa loo xidhay arrimo ururro siyaasaddeed uu aasaasay, iyada oo kii u horreeyey uu ahaa urur la odhan jiray (S/land Islamic Party), oo uu sameeyey bilowgii markii la sameeyey ururrada siyaasadda horaantii 2000-.
Haddaba halkan ayaanu idinku soo koobayaa taariikhda Ururradii Siyaasaddeed ee Dr. Gaboose soo sameeyey iyo Halgankii uu soo maray.
Sahan iyo Gaboose
• Horaantii sannadkii 2002-dii, ayaa waxa Siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo waxgarad kale oo saameyn balaadhan ku leh Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa ay aasaaseen Ururkii horreeyey ee lagaga dhawaaqo Somaliland, kaas oo la odhan jiray (S/land Islamic Party), waxaana guddoomiye ka noqday Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waa xilligii loo diyaargaroobay hannaan asxaabta badan, markii afti dadweyne lagu ansixiyey distuurka Somaliland ee ogolaanayey in Xisbiyado siyaasaddeed la furto, lagana guuro hannaankii Beelaha ee la isku dooran jiray.
Ururkani waxa u ka mid ahaa kuwii u horreeyey ee laga sameeyo, Somaliland, Gaboose laftiisa waa lagu Ururkan markii uu sameeyey, sida uu innoo sheegay.
• Ururkan oo helay taageero balaadhan oo ay u soo jiiday dadkii magaca lahaa ee ku jiray, waxa uu markii dambe laga dhigay Urur-siyaasaddeedka Sahan, waxaanu isu diyaariyey inuu qabsato shirweynihiisa hoggaankiisa lagu dooranayo.
• Sahan, waxa haddana ku soo biiray Siyaasiyiin badan oo ahaa kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Cali Warancadde, Muuse Biixi, Abiib timo cadde, Iskeerso Alle ha naxariistee iyo Ismaaciil yare.
• Wakhtigan waa intii aan Ururro badan oo Kulmiye ku jiray aan lagu dhawaaqin
• Si ku meel gaadh ah Ururka waxa Guddoomiye loogu sii doortay inta shirweyne uu qabsanayo Prof. Maxamed Cumar Jiir, oo ahaa aqoonyahan ka mid ahaa Xildhibaannadii Golihii wakiillada ee hore.
• Siyaasiyiinta ku bahoobay Ururkan ayaa u badnaa Siyaasiyiin ay si weyn isu hayeen Alle ha naxariistee Marxuum Cigaal.
• Siyaasiyiinta Ururka Sahan oo noqday qaar awood badan iyo saameyn siyaasaddeed leh, waxa la aasaasay Ururro siyaasaddeed oo badan, kuwaas oo Kulmiye ka mid ahaayeen, waa markii Alle ha u naxariistee uu geeriyooday Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
• Siyaasiyiintii Sahan ayaa qaarkood Ururradii la furay ku biiray, Sahana dhexdiisa khilaaf ayaa ka abuurmay.
• Khilaafka Sahan ayaa lagu sababeeyaa in ay ku lug lahaayeen Xisbigii UDUB, oo markii Cigaal geeriyooday uu majaraha uu u qabtay Rayaale iyo weliba Xisbiga Kulmiye, iyaga oo labadaba u arkayeen in dani ugu jirto in siyaasiyiinta halkaasi isku bahaysatay la kala furfuro, si aanay halis u gelin jiritaanka Ururradooda iyo u soo gudbistoodii Xisbinimo
• Aakhirkii qorshahaasi uu meel maray oo laba garab ayuu u kala jabay Sahan, kuwaas oo khilaafkoodu gaadhay gacan ka hadal.
• Khilaafkan laba garab u kala jebiyey Urur siyaasaddeedkii Sahan waxa uu galay Maxkamadda sare, iyada oo dacwadda ahayd mid u dhaxaysay Garab Gaboose hoggaaminayey, halka siyaasiyiinta kale ee ay is hayeen uu ka mid ahaa Muuse Biixi Cabdi, oo imika ah Madaxweynaha Somaliland.
• Maxkamaddau Gaboose ayey u xukuntay Sahan, halka siyaasiyiintii kale ee ay is hayeena, ka baxeen Sahan u kala biireen Kulmiye, oo Siyaasiyiinta ku biirtay uu ka mid ahaa Muuse Biixi Cabdi, halka Waran-cadde iyo xubno kalena ku biireen Ururkii UDUB, ee Rayaale Guddoomiye ka ahaa.
• Dabaqayaaqadii 2002-dii waxa la galay doorashadii Goleyaasha Deeganka Sahan oo uu Guddoomiye ka yahay Dr. Gaboose ayaa doorashada wacdaro ka muujiyey isaga oo ku sigtay inuu ka mid noqdo saddexdii Xisbi ee soo baxayey, iyada oo weliba dagaal badan ku socdeen, balse waxa uu ka mid noqday Urur-siyaasaddeedyadii hadhay.
Qaran Iyo Gaboose
• Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid, waxa ay aasaaseen 2007-dii Urur-siyaasaddeed ay ugu magac dareen Qaran, kaas oo ay ku tilmaameen inuu distuurku u damaanad qaadayo samaysashadiisa. Halgan dheer ayuu u galay arrintan
• Ururkan Qaranka, waxa si weyn uga hor timid xukuumaddii Daahir Rayaale, oo sharci darro ku tilmaantay.
• Bishii July, 2007-dii ayaa gaboose iyo Siyaasiyiintii kale ee la aasaastay Ururka ee maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim Cabdi laga qab qabtay guryahooda loona tabaaxay Xabsiga Mandheera oo ay muddo 4 bilood iyo 20 habeen ku xidhnaayeen.
• Bishii December 18, 2007-kii ayaa Gaboose iyo Siyaasiyiintii kale lagu sii daayey xabsiga.
Heshiiskii Kulmiye iyo Ururkii Qaran
• Xisbiga Kulmiye iyo Hoggaankiisa oo si weyn isu garab taagay, aadna u difaaci jiray Gaboose iyo Siyaasiyiintii Ururka Qaran, waxa dhex maray wada shaqeyn iyo is taageersi horseeday in ay isku biiraan.
• Bishii December ee sannadkii 2008-dii, ayey Kulmiye oo uu hormuud u ahaa Axmed Maxamed Siillaanyo iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose heshiis isfaham iyo midaynta cududda taageerayaashooda ah ku kala saxeexdeen Magaalada Hargeysa.
• Qodobada ugu muhiimsanaa heshiiskaasi, waxa ka mid ahaa Inuu Xisbiga Kulmiye dhaqan gelin doono Jamhuuriyadda Somaliland furashada ururrada siyaasadeed, laga bilaabo tartanka doorashada dawladaha hoose ee ugu soo horreysa
• Inuu mabda’a furashada ururrada siyaasadeed ka mid noqdo rukumada barnaamijka lagu gelayo ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga KULMIYE.
• Xisbiga Kulmiye ayaa fuliyey ballan-qaadan 2012-kii, isaga oo furay Ururrada Siyaasadda
• Dr. Gaboose ayaa Xisbiga Kulmiye u magacaabay Guddoomiyihii ololaha doorashada Madaxtooyada ee 2010-ka ee Kulmiye u qaabilsanaa gobollada bariga.
Guushii Kulmiye iyo Siyaasiyiintii Gaboose hoggaaminayey ee Qaran.
• Markii Xisbiga Kulmiye ku guuleystay talada dalka bishii June, waxa Xukuumaddii u horreysay ee uu soo dhisay Axmed Siillaanyo bishii July ka dhex muuqday Siyaasiyiintii Ururkii Qaran.
• Madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo waxa uu u magacaabay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi laba Wasaaraddood oo ahaa kuwii ugu muhiimsanaa oo kala ahaa Arrimaha guddaha iyo Maaliyadda, inkasta oo Gaboosena is casilay bishii Augst 2011-kii.
Aasaasidii iyo ku dhawaaqistii Urur-siyaasaddeedka Ummada
• Ka dib markii uu madaxweyne Siillaanyo fuliyey ballan-qaadkii iyo heshiiskii uu la galay Gaboose iyo siyaasiyiintii qaran, waxa uu Gaboose u ban baxay inuu hankiisii markii hore u furtay Sahan, Qaran uu sii wato.
• Dr. Gaboose, ayaa ku dhawaaqay Urur- Siyaasaddeed markii Somaliland Ururrada laga furay 2012-kii.
• Ururkii Dr. Gaboose sameeyey ee Ummada kama guuleysan inuu ka mid noqdo saddexdii Urur Siyaasaddeed ka soo baxay doorashadii Ururrada iyo Goleyaasha Deegaanka.
• Dr. Gaboose xukuumaddii wakhtigaasi ayuu ku eedeeyey hadhitaankiisii, isaga oo xusay in dimuqaadiyadii Somaliland lagu soo xabaalay Xabaalaha Marka durduro.
• Ururkii ummada iyo taageerayaashii Ummada waxa ay la midoobeen Waddani oo ka mid noqday saddexdii Xisbi ee soo baxay.
Dr. Gaboose iyo ka fadhiisashadii Siyaasadda iyo Dhakhtarnimada’
• Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo muddo aan lagu arag saaxadda Siyaasadda ayaa bishii April ee sannadkii 2021-kii, si lama filaan ah u shaaciyey inuu ka fadhiistay Siyaasaddii.
Soo rogaal celintii Gaboose iyo sugista Go’aanka Maxkamadda ee Arrinta Ururrada Siyaasadda
• 4-tii bishii Dec ayuu mar kale warbaahinta ka sheegay in dad badan oo aqoonyahan ahi ku yidhaahdeen siyaasaddu way ku baahan tahay ha ka bixin, taas oo muujisay in damac cusub soo galay ka dib markii la sheegay in Ururrada la furayo.
• Waxa uu Gaboose sheegay in laga war sugo Maxkamadda sare, isla markaana go’aanka haddii uu urur furanayo iyo haddii aanu furaynayn uu sheegi doono markaasi
• Dr Maxamed Cabdi Gaboose tan iyo markii Maxkamadda sare soo saartay in dhaqan gal uu yahay Xeer 14/2011-ka, waxa uu ka bilaabay magaalooyinka Dalka shir doceedyo uu ugu gogol xaadhayo meel marinta damaciisa Siyaasaddeed, waxaa isaga iyo Siyaasiyiin kala duwan oo qaarkood Kulmiye ka tirsanaan jiren balse aan ogeyn goor ay Kulmiye ka baxeen iyo weliba aqoonyahanno kale.
• Aakhirkii ayaa ku dhawaaqay Urur-siyaasaddeed ka cusub Barwaaqo
Saleban Saxansaxo