Connect with us

somalilandtoday.com

10 Xildhibaan Oo Soomaali Ah Oo Lagu Doortay London

focus

10 Xildhibaan Oo Soomaali Ah Oo Lagu Doortay London

10 Xildhibaan Oo Soomaali Ah Oo Lagu Doortay London

(SLT-London)-Degmooyin ka tirsan magaalada London oo ay ka qabsoontay Doorashooyinkii dowladda hoose ayaa waxaa kusoo baxay tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah oo loo doortay xildhibaano golleyaasha deegaanka ah.

Xildhibaanadan oo tiro ahaan dhan toban Soomaali ah ayaa illaa hadda warbaahinta Britain ay shaaciyeen inay kusoo baxeen doorashooyinkaasi, kuwaasi oo uu sharxay xisbiga mucaaradka ee Labour Party.

Degmooyinka muhiimka ee laga guulleystay xisbiga Conservative-ka ayaa waxaa ka mid ah degmada Westminster oo ah halka ay degan yihiin hay’addaha dowladda.

Xisbiga mucaaradka shaqaalaha Labour Party ayaa sannadkan guul muuqata ka gaadhay xisbiga Conservative-ka ee raysal Wasaaraha Britain Boris Johnson oo lumiyay kuraas iyo degmooyin weligood u xidhna xisbiga Conservative-ka.

More in focus

To Top