Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxa dhab ah in aannu qaran iyo qabiil midna u wanaagsanayn Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi..” Abwaan Abees

focus

“Waxa dhab ah in aannu qaran iyo qabiil midna u wanaagsanayn Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi..” Abwaan Abees

“Waxa dhab ah in aannu qaran iyo qabiil midna u wanaagsanayn Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi..” Abwaan Abees

Madaxweyne Saxafi Ilig waxa ka xiga …

Dadka inta la iska xidho ayaa la iska odhanayaa, “Maad iga xigtaan, adeer baan u ahay, shan baannu hooyadii kala tirsanaa IWM.” Ka waxa dadka u sheegaya hadda waa madaxweyneheennii dhamma. Maxaa keenay maad iga xigtaan? Maanu dalku lahayn sharci iyo dastuur, wax xidha oo wax sii daaya, qaarna aan xidhinba?

Hadalladii markii aan xidhnaa uu dadka ku odhan jiray baa uu haddana ciddii Ilig kala hadasha iyo dadka uu u arko ehelkiisa Madaxweyne Muuse Biixi waxa ku odhanayaa. Hadda ninkan uu leeyahay maad iga xigtaan dacwadda lagu qaadayana waa in uu qaranka dembi ka galay, kala-maan.

Tiisaba haddii la raaco tolnimada miyaa la isku dhibi jiray, mise arxan iyo wanaag baa uu gala xadhigga iyo cadibaada qof lagu haya? Mise dulmiga ayaa ku kala duwan cidda uu kaaga imanayo darteed? Afar sanno ayaa loo diidana TV licence ka uu muwaaddin kastaaba xaq u lahaa in uu helo, marka uu shuruudaha buuxiyo, Iligna taas waa uu buuxiyay. Haddaan mar kale ta madaxweynaha raaco maxa uu tolnimada uu u sheeganayo ugu siin waayay licence-ka Maxamed-ilig? Waxa dhab ah in aannu qaran iyo qabiil midna u wanaagsanayn Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ee laakiin uu ku shaqaysto. Ilig waxa lagu haysta waa barnaamijyada wacyigelintu ku jiraan.

“Siduu qaranka iin ugu yahee, eexda ugu maalo

Ayuu oodba ood ugu diraa, aagan uu yahay.” Gabayga Alpha Conde.

Dawladnimadii waynu ka xuub siibanay xaqiiqatan, mar qabiil, mar qaran, mar wax aanad fahmi karinba ayaa lagu wadaa, oo waa laga tagay xeerarkii dalka u yaallay. Madaxweyne Wariye Ilig iyo labada wariye ee kalaba waxa ka xiga hooyooyinkood oo aan ogolayn in ay xidhnaadaan; iyo sharciga dalka Somaliland u yaalla, oo aan taas waafaqsanayn, ee degdeg u sii daa.

FG: Bulshadda reer Somaliland oo dhan waxa aan ugu baaqaya kana codsanayaa haddii in uu damiir iyo dareen muwaaddinimo innagu hadhay aynu u kacno inamadan iyo ciddii kale ee caddaalad-darro ku xidhanba.

Xujadiyo sidii dawladnimo, looga xuub tagay

Ayaa abas xigaal looga dhigay, dhawr xafaaro ahe

Xabaal nololi mooye dadnimo, laga xawaareeye.” Gabayga Xiltire.

Fadlan sii faafi oo ila baahi fariintan.

Sidii roon Allahayoow.

More in focus

To Top