Connect with us

somalilandtoday.com

Axmed Karaash Oo Xilalkii Ka Qaaday Wasiiraddii Ugu Awoodda Badnaa Puntland Ee Arrimaha Gudaha, Maaliyadda Iyo Amniga Oo Saaxiibo Dhow La Ahaa Madaxweynaha Puntland

focus

(SLT-Garoowe)-Madaxweyne ku xigeenka  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xilalkii ka qaaday wasiirradii arrimaha gudaha, maaliyadda iyo amniga Puntland, isagoo ku beddelay wasiirro cusub.

Saddexda wasiir ee xilalka laga qaaday ayaa ahaa wasiiraddii ugu awoodda badnaa Puntland islamarkaana ahaa saaxiibada ku dhow la ahaa  madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xilka laga qaaday ayaa lagu beddelay, Cabdiqani Xaashi Bumbo, wasiirka maaliyadda Xasan Shire Abgaal oo xilka lag qaaday ayaa lagu beddelay, Cabdirisaaq Mire Xasan ( Gaawiido) halka wasiirkii amniga Cabdisamad Gallan lagu beddelay, Axmed Xaaji Ibraahim Bakiin.

Xil ka qaadistan ayaa kusoo beegantay kadib markii uu shalay ku ekaa xilligii loo qabtay mas’uuliyiintan qeyb kamid ah inay xilalka u kala wareejiyaan masuuliyiin uu magacaabay Axmed Karaash.

Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay cirka kusii shareerto khilaafka siyaaaadeed ee u dhaxeeya Deni iyo Axmed Karaash, iyadoo ay macquul tahay in madaxweyne Deni uu si degdeg ah dib ugusoo laabto Garoowe si uu arrintaan xal ugu helo.

More in focus

To Top