Connect with us

somalilandtoday.com

Siyaasadda SL: Doorashada, isbedelka KULMIYE iyo Isku Shaandhayn..

focus

Siyaasadda SL: Doorashada, isbedelka KULMIYE iyo Isku Shaandhayn..

Siyaasadda SL: Doorashada, isbedelka KULMIYE iyo Isku Shaandhayn..

Marka bisha Ramadan sidaa u baxdo, waxa aynu galaynaa xiisihii iyo mowjadihii siyaasada. Ururo siyaasadeed oo ooda soo jabiya hugunkoodu, Golaha Wakiilada oo aynu isha ku hayno in uu sharciyada qabyada ah meesha ka saaro iyo in uu qayb ka noqdo lug qabatinka furashada ururada iwm. Arinka Gudida Doorashooyinka ku cusub ee muranka wali aan la fahim halkuu salka ku hayo iyo waraaqihii is-burinayey oo iyagana meel la saaro.

Sidoo kale Xogaha aan helayaa waxay sheegayaan in uu miiska saaran yahay isku shaandhayn uu soo wado madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sida xogtu ii sheegayso, masuul hore xukumadii Siinaanyo lagu bartay saaxada siyaasada, xukumada Muuse dhawaan xil ka hayey in la saarayo masalaha sare ee Golaha Wasiirada, halka hal wasiir oo isku deegaan yihiina uu meesha ka bixidoono.Wasiirkaa meesha ka baxaya waxa halkiisa galaya wasiirka Arimaha Dibada, Dr. Ciise Kayd oo ay xirfadiisa tahay, halka meeshiisiina la filayo in xubinta ‘Masalaha Wasiirada’ la keenayo lagu badalo.

Sidoo kale, siyaasiga ay ku soo oodantay damacii uu ka badheedhay ee hogaanka Xisbiga Kulmiye, ee keenay in Afhayeenka xisbigaasi sheegay in laga caydhiyey Xisbiga, ayaa isna la filayaa in dib uu ugu soo gole- noqdo xisbigii. Wali ma cada in hogaanka Kulmiye loo dhiibayo, waxase marka hore lagu soo cinayaa xisbigii uu dibad-yaalka ka noqday.Waxa u raacaa waa loo wada joogi.  

Xogaha aan helayaa waa kuwo is badi kara, halka qaar yihiin kuwo hogaanka Kulmiye iyo xukumada madaxweyne Biixi meel ku tiiriyeen, isbadalka wasiiradana lagu wargaliyey, shaacinta Ramadan uun lala sugayo.

Intaan aqaan siyaasada JSL, Ramadan ka dib waxa aynu filanaaba waa dayaanka siyaasada iyo siyaasiga darban.

Tii Allah na waa halkeedii!

wariye abdillahi m ali

More in focus

To Top