Connect with us

somalilandtoday.com

Dawlada Sucuudiga Oo si rasmi ah u aqoonsatay Basaaboorka Somaliland

focus

Dawlada Sucuudiga Oo si rasmi ah u aqoonsatay Basaaboorka Somaliland

Dawlada Sucuudiga Oo si rasmi ah u aqoonsatay Basaaboorka Somaliland

Dawlada Sucuudiga ayaa aqoonsatay Basabooradooda Somaliland gaar ahaan nooca loo yaqaan Diplomatic Passaport si rasmi ahna waxa loogu tagay Sucuudiga.

Dublamasiyiinta iyo Madaxda Somaliland ka socda ee Sucuudiga u safray ayaa loogu dhuftay shaambada aqbaalada gelitaanka ee Sucuudiga Basaboorada Somaliland ee dublamaasiga ah markii ay ka dageen Madaarka Boqor Cabdicasiis ee caasimada labaad ee Sucuudiga ee Jeddah.

Somaliland Diplomatic Passport ayay dawlada Sucuudigu u tixgalisay si la mid ah kuwa dalalka ay jaarka la tahay ee Muslimiinta ah ee ay ka mid yihiin Soomaliya iyo Jabuuti.

Waa markii ugu horaysay abid ee Baasaboorka Somaliland lagu galo Sucuudiga halkii awal looga baahanayay in aad isticmaasho basaboor kale.

Xukuumadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi ayaa mudadii ay joogtau tacab badan gelisay sidii kor loogu qaadi lahaa qiimaha Baasaboorka Somaliland iyo Qarinamadeedana loo gaadhsin laha dalalka calaamka.

Hoos waxa ku sawiran Baasaboorka dublamaasiga Somaliland oo la saaray gelitaanka sucuudiga ee madaarka Boqor Cabdicasiis ee Jedah.

Isha xogta: Weriye Luqmaan Maxamed Faarax.

More in focus

To Top