1929-kii buu ku dhashey degmadda Oodweyne ee gobolka Togdheer, waxa uu waxbarashadiisii bilowga ahayd ilaa dugsiggiisii sarre ku soo qaatey Sheekh, shahaadadda Bachelor-kanna wuxuu ka soo diyaariyey culuumta la xidhiidha Ganacsiga Jaamacad ku taalla London horraantii kontomeeyaddii. 1956-kii waxa loo doortey xoghayihii guud ee xisbigii SNL ee u halgamaayey xornimaddii Soomaalilaan. Bishii Febraayo 1960-kiina waxa uu gacantiisa ku soo saxiixey in Soomaalilaan xornimadeedda ka qaadato boqortooyadda Ingiriiska. 26-kii bishii Juun 1960-kii wuxuu noqdey hogaamiyihii u gu horreeyey ee Soomaalilaan yeelato isaggoo da’diisu tahay 31 jir.
Markii ay is raaceen labaddii dawladood waa “Soomaaliya iyo Soomaalilaan’e”, waxa uu noqdey wasiirkii gaashaandhiga iyo wasiirkii tacliinta Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. 10 Juulaay 1967-kii waxa loo doortey reysal-wasaarihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed isaggoo da’diisu tahay 40 sanno. Haddanna mar labaad baa loo cimaamadey jagadda reysal-wasaarnimo doorashooyinkii dhacay 1969-kii.
15-kii Octoobar isla sannadkaas markii la diley Madaxweyne Cabdirashiid .A. Sharma’arke waxa inqilaabey xukuumaddiisii 21-kii bishii Oktoobar Janaraal Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Muddo 12 sanno ah ayuu ku qaatey xabsigga oo ay dawladii kacaanku xidhey. 5-tii bishii May sannadkii 1993-kii shirkii dib u heeshiisiinta Soomaalilaan ee ka dhacay Boorame ayaa loo gu doortey innuu noqdo madaxweynaha JSL. Mar labbaad bishii Feebraayo 1997-kii ayaa loo gartey kursiga u gu sarreeya Soomaalilaan.
1998-kii waxa uu Baarlamanka Soomaalilaan (Guurtidda & Wakiiladda) hor keennay mooshin xilka la gaga tirrinayo laakiin waxa ku gacan seydhay Baarlamanka JSL iyo guud ahaanba shacabka Soomaalilaan.
FG: “Waa madaxweynaha qudha ee Soomaaliyeed, Afrikaan ah, iyo Carbeed ee mooshin noocaas oo kale ah horkeenna Baarlamankiisa oo mucaarad u badnaa wakhtigaas”.
Intii uu jagadda madaxweynaha fadhiyey waxay xukuumadiisu horseed ka noqotey innuu hub-ka-dhigis ku sammeeyo shacabka Soomaalilaan, ciidan qaran u dhiso, lacag, calan, dastuur, iyo xisbiyo-ba u yeello.
Dabayaaqaddii bishii Abriil 2002-dii safar caafimaad oo uu ku tagey Koonfur Afirka ayuu maalin Jimce ah 03-dii bishii May 2002-dii ku geeriyoodey magaaladda Pretoria, waxaanna geeridiisa bulshadda u xaqiijiyey Madaxweyne ku xigeenkiisii Daahir Rayaale Kaahin.
05-tii bishii May 2002-dii siddii uu marxuuku ku dardaarmey wax la gu duugey magaalo xeebeedka Berbera waxaana la gu qiyaasey dadkii aaskiisa ka qeyb galey ku dhawaad rubbuc malyuun qof oo ka kala yimid dhammaan dhulka Soomaalidu degto iyo daafaha adduunkaba.
Geesi na ga baxoo guul dhashuu ahaa, waxaas oo waxqabad ah waxa uu ku hirgeliyey isaggoo da’diisu tahay 73 jir oo weliba 12 sanno oo kamid ah xabsi keliyaale (Solo Jail) ku soo qaatey. Aabihiis Ibraahim Cigaal oo ahaa ganacsadde iyo taajir jiitey wax ubad ahna Maxamed oo keliya dhalay wixii dhaxal uu u ga dhintey wiilkiisii Maxamed waxa uu geliyey siyaasadda iyo kor u soo qaaddidda shacabkiisa. Ilaa maanta oo geeridiisii la ga joogo 20-sanno waxa ay Soomaalilaan ku taagan tahay rukumaddii uu dhidbaha u dhigey.
Alle qabrigiisa ha u nuuriyo, dembigiisanna ha dhaafo, safkii rasuulka iyo saalixiintanna ha la jamciyo. Allaahuma Aamiiin.
WQ: Axmed Xasan Carab Akhyaar