Connect with us

somalilandtoday.com

Dacwad Oogayaasha Talyaaniga Oo Soo Farageliyey Khilaaf Ka Taagan Safaarada Soomaaliya Ee Roma

focus

Dacwad Oogayaasha Talyaaniga Oo Soo Farageliyey Khilaaf Ka Taagan Safaarada Soomaaliya Ee Roma

Dacwad Oogayaasha Talyaaniga Oo Soo Farageliyey Khilaaf Ka Taagan Safaarada Soomaaliya Ee Roma

(SLT-Rome)-Waxaa meel sare gaadhay khilaafka ka dhex taagan Safaaradda Soomaaliya ee ku taalla Degmada Prati ee magaalada Rome kadib shaqo joojintii lagu sameeyey safiir Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.

Dacwad oogayaasha dalka Talyaaniga ayaa soo farageliyey khilaafka, waxayna sheegeen inay baadhayaan khilaafka u dhaxeeyo mas’uuliyiinta Soomaalida oo ku saabsan ciddii gacanta ku heyn laheyd safaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa markii ay shaqada ka joojisay safiirkii hore waxay 7-dii April sii haye ugu magacowday Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur.

Safiirka xilka laga qaaday ayaa diiday sii hayaha xilka loosoo magacaabay, wuxuuna ku dooday inay kaliya aqbali karaan in xilkaan loo magacaabo qof ka tirsan safaaradda, wuxuuna isaga safaaradda madax ka ahaa Afartii Sanno ee lasoo dhaafay.

Warqad qoraal ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u dirtay dhiggeeda Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Ciise uu waqtigiisa ku ekaa 28-ka March.

Magacaabida Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur ayaa ku soo beegantay toddobaad ka hor inta aan la dhaarin baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana  Axmed Cabdraxmaan Sheekh Nuuruu hore u soo noqday Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Lusaka, wuxuuna ka duulay Muqdisho dhammaadkii bishii March si uu ula wareego Safaaradda.

Safiirka xilka laga qaaday ayaa sidoo kale ku doodayo inaan lasoo ogeysiin imaanshaha safiirka cusub isla markaasna uu si lama filaan ah ku yimid Caasimadda Talyaaniga.

Mar wax laga waydiiyey safirkii xilka laga qaaday inuu ogol yahay in xilka laga qaado ayuu ku jawaabay “Waa caadi in xila la iska qaado, weliba maahan wax cusub in xilliyada kala guurka ah la sameeyo xil ka qaadis iyo magacaabis tiro badan oo dhanka safaaraha ah”.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa ku andacoonaya in Sheekh Nuur oo ay wehlinayeen labo saaxiibbadiis ah oo Muqdisho ka tegay ay gudaha u galeen Safaaradda kadibna ay u diideen safiirka iyo xubnaha shaqaalaha inay gudaha u galaan dhismaha.

Safiirka cusub ayaa arrintaan ku tilmaamay inqilab, isagoo Booliiska Talyaaniga u sheegay la wareegitaanka safaaradda iyo in ammaankiisa safiirnimo uu halis ku jiro. Waxa uu u sheegay in laga hor istaagayo gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur uu adeer u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxayna ka dhawaajisay in khilaafka dublamaasiyiinta uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya kooxaha kala duwan ee ku loo lamaya Soomaaliya.

Cali Abuukar Xayo oo ah qareenka u doodaya safiirka xilka laga qaaday ayaa warbaahinta Talyaaniga u xaqiijiyay in dacwad oogayaasha ay ku howlan yihiin kiiskan, isla markaana aanu ka hadli doonin wax intaas ka badan oo ay ku ixtiraamayaan baadhitaanka furan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameysay dhowr safiir, waxaana muuqata in wasaaradda ay sameeneyso sidi caadada u aheyd oo ah in laga faa’ideysto waqtiga kala guurka ah.

More in focus

To Top