(SLT-Muqdisho)-Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku guulaystay Guddoomiyaha Gollaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.
Haddaba Waa kuma Sheekh Aadan Madoobe?!
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxa uu ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool sannadkii 1956kii. Waa siyaasi Soomaali ah oo ilaa iyo 1990aadkii ku lug lahaa siyaasadda jahwareersan ee Soomaaliya iIlaa uu ka mid noqday xildhibaanadii ka tirsanaa Baarlamaankii dowladdii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Isla Dowladdaas ayuu Sh. Aadan Madoobe galangal fiican ku dhex lahaa, waxaanu ka noqday Wasiir iyo Gudoomiye Baarlamaan. Sidoo kale waxa uu saameyn weyn ku dhex lahaa dowladdii taas ka dambeysay ee lagu soo dhisay Jabuuti ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.
Hase ahaatee wakhtigaas ka hor, Sh. Aadan Madoobe waxa uu ahaa Macalin dugsi Qur’aan markii dambe ku biiray jabhado hubeysnaa oo ay lahaayeen qabaa’ilo uu isagu ka mid yahay oo deegaankiisa ah, waana halkaas meesha uu kasoo galay siyaasadda Soomaaliya.
Sh. Aadan Madoobe intii ay timid dawladdii Xasan Sh. Maxamuud laguma arag fagaarayaasha siyaasadda looga hadlo ama lagu falanqeeyo, in kasta oo uu hada na si hoose uu ugu lug lahaa.
Waxbarashada:
– 1965-1970: Sh. Aadan Madoobe waxa uu bartay Qur’aanka Kariimka ah.
– 1970-1975: Waxbarashada dadka waaweyn ayuu Sh. Aadan Madoobe dhigtay, maadaama uu waqtigaas soo gaaray da’da lagu xisaabiyo qofku inuu ka weyn yahay heerka schoolka. Marka loo eeggo dhaqanka soomaalida.
– 1975-1980: Waxa uu Sh. Aadan Madoobe waday diraaseynta cilmiga Islaamka, iyada ooo markii danbenna uu noqday macalin dugsi Qur’aan oo ay arday badan ka aflaxeen.
Waayo- aragnimada iyo Shaqada:
– 1991-199: Sh. Aadan Madoobe waxa uu noqday Wakiilka Dhaqdhaqaaqa Demoqaraasiyadda Soomaaliya ee SDM ee gobolka Bakool.
– 1992-1995: Sh. Aadan Madoobe waxa uu gudoomiye ka noqday degmada Xudur xilli ay Soomaaliya la daalaa dhacaysay dagaallo qabaa’ilka u dhaxeeyay kadib burburkii xukuumaddii Siyaad Barre.
– 1995: Sh. Aadan Madoobe waxa uu ka mid noqday aasaasayaashii ururkii Ciidamada Iskacaabinta ee Raxan Weyn (RRA) isaga oo noqday guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee ururkaas.
– 2003: Sh. Aadan Madoobe waxa uu ka kid noqday 24kii hogaamiye ee ka qeybqaatay soo dhisitaankii dowladdii KMG ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed, taas oo lagu soo yegleelay baaqii Ederot ee dalka Kenya, waxaanna uu ka mid ahaa saxeexayaashii hishiiskii lagu soo dhisay dowladdaas.
– 2004: Sh. Aadan Madoobe waxa uu ka mid noqday xukumaddii dowladdii Cabdillaahi Yuusuf iyada oo loo magacaabay Wasiirka Garsoorka, isla xukumaddaas baarlamaankeeda ayuu Sh. Aadan Madoobe ka soo noqday gudoomiye.
– 2009: Sh. Aadan Madoobe waxa uu sida oo kale noqday guddoomiyihii baarlamaanka KMG ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.