Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Iyo Ruushka Oo Isweydaarsaday Maxaabiis

focus

Mareykanka Iyo Ruushka Oo Isweydaarsaday Maxaabiis

Mareykanka Iyo Ruushka Oo Isweydaarsaday Maxaabiis

(SLT-Moscow)-Ruushka iyo Mareykanka ayaa Arbacadii isweydaarsaday maxaabiis inkasta oo ay u dhaxeyso xiisad ka dhalatay dagaalka Moscow ay ku qaaday Ukraine.

Moscow ayaa Washington ku wareejisay askari hore uga tirsanaa ciidammada Mariiniska Mareykanka, ayada oo ku beddelatay duuliye Mareykanka loogu xidhay inuu soo geliyey daroogo.

Trevor Reed, oo ah 30 jir kasoo jeeda gobolka Texas oo lagu xidhay Ruushka 2020, ayaa lagu beddeshay Konstantin Yaroshenko oo ah 53 jir Mareykanka ku qaadanayey 20 sano oo xabsi ah oo lagu xukumay 2011.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka Maria Zakharova ayaa sheegtay in maxaabiis isweydaarsiga ay dhacday Arbacadii kadib “hanaan wada-xaajood oo muddo socday.”

Joey Reed oo ah aabaha Trevor ayaa CNN u shegay in maxaabiista la isku weydaarsaday dalka Turkiga.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in is-dhaafsiga uu u baahnaa “go’aano adag oo aanu si fudud u qaadan.”

“Si nabad usoo laabashadiisa waxay caddeyn u tahay ahmiyadda uu maamulkeyga siinayo inuu dalkooda kusoo celiyo muwaadiniinta Mareykanka ee sida khladan loogu xabisay dibedda,” ayuu yidhi madaxweyne Biden.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale ammaanay maxaabiis is-dhaafsiga.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhowaaqo in lasii daayey muwaadinka Mareykanka ah ee Trevor Reed oo si khaldan loogu xidhay Ruushka,” ayuu ku yidhi bayaan uu soo saaray.

Reed ayaa maxkamad ku taalla Ruushka waxay ku xukuntay sagaal sanno oo xabsi ah bishii July 2020, kadib markii lagu eedeeyey inuu weeraray askari boolis ah isaga oo cabsan.

Reed wuu beeniyey eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna sheegay in aanu waxba ka xasuusan dhacdadaas.

AFP

More in focus

To Top