Connect with us

somalilandtoday.com

IRAN Oo Israa’iil U Dirtay Khariirado Iyo Sawirro Si Cad U Tilmaamaya Goobaha Uu Hubka Nukliyeerka Israa’iil Yaallo

focus

IRAN Oo Israa’iil U Dirtay Khariirado Iyo Sawirro Si Cad U Tilmaamaya Goobaha Uu Hubka Nukliyeerka Israa’iil Yaallo

IRAN Oo Israa’iil U Dirtay Khariirado Iyo Sawirro Si Cad U Tilmaamaya Goobaha Uu Hubka Nukliyeerka Israa’iil Yaallo

Dawladda Iiraan ayaa Israa’iil u dirtay khariirado iyo Sawirro si cad u tilmaamaya goobaha uu hubka nukliyeerka Israa’iil yaallo. Farriintan oo Iiraan ay sii marisay dal Yurub ah oo aan la sheegin magaciisa, waa ay ku caddaysay in bartilmaameedsan doonto goobahaas kaydka iyo xarumaha Nukliyeerka iyo hubka muhiimka ah, haddii ay go’aansato in ay dagaal la gasho Iiraan.

Waa hab ay dawladuhu ugu digaan dawladaha xiisadaha colaadeed ka dhex aloosan yihiin ee ay doonayaan in ay iska abhiyaan, waxa aanu macnaheedu yahay haddii ay dagaal bilaabayaan in ay xisaabta ku darsadaan meelaha la bartilmaameedsan doono.

Hore ayey Israa’iil u beddeshay goobaha hubkeeda istaraatijiga ahi ku kaydsan yahay, kaddib markii ay ogaatay in Iiraan ka war heshay, tanina waxa ay muujinaysaa in Iiraan mar labaad soo ogaatay goobaha cusub ee Israa’iil hubkaas ku qarisay.

Waxaa xusid gaar ah mudan in Sawirrada Iiraan la wadaagtay Israa’iil aanay ahayn kuwo dayaxgacmeed qaaday sida in badan dhacda, balse ay yihiin kuwo si toos ah sawir dhulka ah looga qaaday, iyada oo weliba ishaaro cas lagu tilmaamay rugaha uu hubka Israa’iil sida gaarka ah ugu kaydsanyahay, taas oo ah farriin ay Iraan ku muujinayso in ay gudaha Israa’iil joogto.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top