(SLT- Orebro)-Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhaawacmay ka dib rabshado maalmo socday iyo mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo qorshe ay damacsanaayeen kooxaha Cunsuriyiinta Sweden iyo Denemark inay ku gubaan Kitaabka Qur’aanka Kariimka.
Gubida kitaabka barakaysan ee Qur’aanka ayaa ah mid si weyn ololaha ugu galaan kooxaha Cunsuriyiinta Sweden iyo Denemark ee ka soo horjeeda soogalootiga iyo Islaamka.
Kooxahan ayaa dhawaan shaaciyey inay booqasho ku tagi doonaan magaalooyinka Sweden oo ay ku badan yihiin Muslimiinta isla markaana gubi doonaan Kitaabka Quraanka xilli lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaanka.
Qorshahoodan ayaa qeyb ka ah ololahooda doorashada Baarlamaanka dalka Denemark ee dhaceysa bisha September ee sanadkan.
Rabshadahan iyo mudaharaadkan ayaa Jimcihii lasoo dhaafay ka billaamay badhtamaha magaalada Orebro ee dalka Sweden iyadoo dad ka cadheysan falalkan foosha xun weerar ku qaadeen Booliska ka hor inta aanu bilaaban banaanbixii ay qorsheenayeen kooxaha cunsuriyiinta.
Waxa ay rabshadaha sidoo kale ka dhaceen xaafada Muslimiinta ku badan tahay ee Rinkeby ee magaalada Stockholm.
Axadii lasoo dhaafay ayey sidoo kale rabshado ka dhaceen magaalooyinka Linkoping iyo Norrkoping, halkaasi oo lagu gubay gawaadhi badan, booliska ayaa sheegay inay xidheen 34 qof.
Rabshadaha ka dhacay Norrkoping ayaa yimid kadib markii Cunsuriyiinta sheegeen inay qorsheynayaan inay halkaas ku qabtaan isu-soo-bax, balse goobtaasi ma tegin.
Saddex qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen booliska magaalada Norrkoping oo sheegay in askarta ay “ku fureen dhowr xabadood oo digniin ah” kadib markii la weeraray.
Ugu danbeyntii hoggaamiyaha cunsuriyiinta (Rasmus Paludan) ayaa sheegay inuu joojiyey banaanbaxyadii uu qorsheenayey isagoo ku eedeeyey Booliska inay amnigiisa sugi kari waayeen sida uu ku shaaciyey bartiisa Facebook.
Paludan ayaa lagu xukumay 14 maalmood oo xabsi ah sannadkii 2019 kadib markii lagu helay hadal cunsuriyad ah dalka Denmark. Sannad ka dib, waxa markale lagu xukumay hal bil oo xadhig ah ka dib markii lagu helay 14 dacwadood oo kala duwan oo ay ku jiraan falal; midab-takoor ah.
Qaar kamid ah dalalka Islaamka ayaa cambaareeyey falalka ay ku kacayaan cunsuriyiinta Sweden iyo Denemark ee ololaha ka dhigtay gubista Qur’aanka Kariimka.