Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Maxkamad Horteeda Ka Qirtay Dambi Uu U Gaystay Ilhaan Cumar

focus

Nin Maxkamad Horteeda Ka Qirtay Dambi Uu U Gaystay Ilhaan Cumar

Nin Maxkamad Horteeda Ka Qirtay Dambi Uu U Gaystay Ilhaan Cumar

(SLT-Washington)-David Hannon oo 67 jir ah, taageerana u ah madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa qirtay inuu Ilhaan Cumar u diray farriin sannadkii 2019-kii, isagoo ugu hanjabay inuu madaxa ka toogan doono.

Ninkan oo ka soo jeeda Florida ayaa salaasadii maxkamada horteeda ka qirtay inuu xildhibaan Ilhaan Cumar ugu hanjabay inuu dili doono, sida ku cad qoraal uu u diray Ilhaan Cumar.

Farriinta uu u diray xildhibaanad Ilhaan ayaa sidan u qornayd “Waad dhimatay, Muslim xagjir ah ayaa tahay,” isaga oo intaas ku daray inuu doonayo inuu madaxa ka toogto,.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si weyn u dhaliili jirtay siyaasadaha Madaxweyne Donald Trump waxayna weerar afka ah iyo hanjabaado kala kulantay dad badan oo aan la dhacsaneyn siyaasadaheeda.

Ilhaan Cumar oo marar badan twitter-ka ay hadallo isku weydaarsadeen madaxweyne Trump ayaa waxaa naceyb badan u qaaday taageerayaasha madaxweynihii hore Mareykanka.

More in focus

To Top