Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Amartay In 5 Maalmood Xabsiga Lagu Sii Hayo 13 Suxufi.

focus

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Amartay In 5 Maalmood Xabsiga Lagu Sii Hayo 13 Suxufi.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Amartay In 5 Maalmood Xabsiga Lagu Sii Hayo 13 Suxufi.

(SLT-Burco)-Waxa goordhawayd maxkamad la soo taagay 13 suxufi oo ka hawlgala warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Hargeysa, kuwaasoo maalinkii 3-aad ku jira xabsi, iyagoo loo heystso tabinta rabshadihii ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Maxkamadda Hargeysa ayaa maanta dhageysatay eedaha loo heysto suxufiyiinta, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen qareenada difaacaya wariyayaasha, iyadoo maxkamada ay go’aamisay in kiiskan dib laga dhageysan doono, waxeyna amartay in 5 maalmood xabsiga lagu sii hayo suxufiyiinta, markaasi kadibna go’aan ay soo saari doonto.

Si kastaba, Kulan ay isugu yimaadeen xalay qaybaha kala duwan ee warbaahinta madaxabannaan ee Somaliland  ayaa lagaga wadahadlay xadhiga suxufiyiinta tirada badan, fallanqayn dheer kadibna waxa kulankaas ka soo baxay qodobo ay kamid yihiin inay ka ka baaraan degayaan la sii shaqeynta xukuumadda Madaxweyne Biixi.

More in focus

To Top