Connect with us

somalilandtoday.com

Ukraine Oo Dooneysa Inay Siyaasi Taageersan Madaxweynaha Ruushka Ku Bedalato Maxaabiis Laga Qabsaday

focus

(SLT-Ukrain)-Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa maanta oo Arbaca ah shaaciyey inay diyaar u yihiin inay Ruushka ku wareejiyaan hogaamiyaha xisbi Mucaaridka Ukraine oo ka tirsan taageerayaasha Putin, isagoo doonaya in ninka ay ku bedashaan maxaabiista uu Ruushka gacanta ku dhigay.

Siyaasiga taageersan Ruushka Viktor Medvedchuk ayaa la xidhay salaasadii, waxaana la rumeysan yahay inuu ahaa qofka ay doonayaan Ruushka inay u dhiibaan dowlada Ukraine haddii ay xukunka ka tuuraan Xukuumada uu hoggaamiyo Zelenskyy.

Viktor Medvedchuk oo ah maalqabeen si weyn ugu dhaw Madaxweynaha Ruushka Putin, ayaa tan iyo sannadkii lasoo dhaafay ku jiray Xabsi guri, balse wuxuu baxsaday saddex maalmood kadib markii Ruushka duulaanka kusoo qaaday Ukraine.

More in focus

To Top