Connect with us

somalilandtoday.com

Waa Kuma Ninka Loo Doortay Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Pakistan

focus

Waa Kuma Ninka Loo Doortay Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Pakistan

Waa Kuma Ninka Loo Doortay Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Pakistan

(SLT-Pakistan)-Shehbaz Sharif ayaa baarlamaanka Dalka Pakistan u doortay raysal wasaare kaddib markii xilka laga qaaday Imran Khan oo codka kalsoonida ah loo qaaday Sabtidii lasoo dhaafay.

Ka hor coddeynta Isniintii, xildhibaano ka tirsan xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa si guud isu casilay, iyagoo qaadacay doorashada Sharif oo la dhashay raysal Wasaarihii hore Nawaz Sharif.

Sheekh Shariif ayaa khudbadii ugu horreysay ku dhawaaqay in la kordhinayo mushaaraadka, lacagta dadka hawlgabka ah iyo mushaarka ugu yar ee shaqaalaha.

Shariif ayaa ka hadlay fashilka ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda waqtigeedu dhammaaday, wuxuuna sheegay inuu dardargelin doono mashruuca balaayiin dollar ee Shiinaha Pakistan Economic Corridor (CPEC) iyo dib u soo celinta xidhiidhka go’ay ee saaxiibada iyo xulafadii hore ee Pakistan.

More in focus

To Top