Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Xukuumaddiisa Iyo Xubnaha Ay Seeftu Qaadaynayso

focus

Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Xukuumaddiisa Iyo Xubnaha Ay Seeftu Qaadaynayso

Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Xukuumaddiisa Iyo Xubnaha Ay Seeftu Qaadaynayso

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu hadda ku hawlan yahay oo uu karkarinayo isku shaandhay uu ku samaynayo Xukuumadiisa,taas oo ah mid uu ku dhisayo Xukuumad kaabayn,maddaama oo ay doorashadii Madaxtooyadda fooda inagu soo hayso, isla markaana la filayo inuu mar kale u tartamo doorashada Madaxtooyadda.

Xoggo uu Wargeyska Waaberi ka hellay illo wareedyo rasmi ah ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu hadda waddo qorshihiisa isku shaandhayn sal ballaadhan oo uu ku samaynayo Golihiisa Xukuumadda.taas oo uu xilka kagga qaadayo qaar kamid ah Wasiiradda ,wasiir ku-xigeenada iyo Agaasimayaasha guud.

Sidoo kalene xoggaha ayaa sheegay in xubnaha cusub ee uu Magacaabayo ay maal-mihii ugu dambeeyey dul meehanabayeen Madaxtooyadda,kuwaas oo ay kamid yihiin siyaasi Maxamed Nuur Caraale duur,kaas oo muddo baddan naawilayey in xil loo magacaabo iyo Danjire Baashe Cawil Cumar iyo Maxamuud Xaashi siyaasiyiin kale.

Dhanka kalene xoggaha ayaa sheegay in xubnaha la filayo inay seefta xilka qaadistu jiidho uu kamid yahay wasiir Cali Mareexaan, Wasiir Siciid Sulub Maxamed ,Wasiir Xasan Gafaadhi,Wasiirka beeraha,wasiirka wax-barashada iyo sayniska iyo xubno kale .

Inkastoo sida xogguhuu ka dhawaajiyeen uu hadda Madaxweyne Biixi waddo isku shaandhayntaa salka balllaadhan,taas oo xilligan u muuqanaysa inuu dhisanayo Dawllada kaabayn, hase-yeeshee oodi jiidis iyo qaadis waa isla guri geyn’e, waxa arrimuhuu kala cadaan doonaan maal-maha iyo Bilaha soo socda.

More in focus

To Top