Connect with us

somalilandtoday.com

Sirdoonka Soomaaliya Oo Ka Digay Shirqool La Doonayo In Lagu Dilo Farmaajo Iyo Rooble

focus

Sirdoonka Soomaaliya Oo Ka Digay Shirqool La Doonayo In Lagu Dilo Farmaajo Iyo Rooble

Sirdoonka Soomaaliya Oo Ka Digay Shirqool La Doonayo In Lagu Dilo Farmaajo Iyo Rooble

Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA ayaa digniin ay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal lagu baahiyey barta Twitterka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay inay xogta ay heleen ay la wadaageen madaxda sare.

NISA waxa ay sheegtay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormood uga yahay horjooge lagu magacaabo Maxamed Mahir.

Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & Raysal Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.

Qoraalka NISA laguma shegein faahfaahin intaasi dheer.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah.

More in focus

To Top