Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Sri Lanka Oo Ka Codsaday Mucaaradka Inay Wada-dhisaan Dowladda Midnimo Qaran Ah

focus

Madaxweynaha Sri Lanka Oo Ka Codsaday Mucaaradka Inay Wada-dhisaan Dowladda Midnimo Qaran Ah

Madaxweynaha Sri Lanka Oo Ka Codsaday Mucaaradka Inay Wada-dhisaan Dowladda Midnimo Qaran Ah

(SLT-Sri Lanka)-Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa ku baaqay maanta oo isniin ah dhisamaha dowlad midnimo Qaran si ay wax uga qabato dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta, iyadoo wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo guddoomiyaha bangiga dhexe ay u soo bandhigeen inay is casilaan.

Dalka deymaha lagu leeyahay ayaa la daalaa dhacaya sidii uu iskaga bixin lahaa shidaalka iyo badeecadaha kale ee dalka soo gala, xilli uu sicir barar ka jiro suuqyada caalamka, taasi oo shacabka dalkaasi ku keentay koronto la’aan iyo gabaabsi ku yimid maciishada.

Dowladda ayaa ku fashilantay inay dhaqan geliso bandow ay soo rogtay si ay uga hortagto mudaharaadyada ballaadhan oo ay shacabka dhigayaan.

More in focus

To Top