Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Pakistan Oo Ka Badbaaday Mooshin Xil ka-qaadis Ah

News

Raysal Wasaaraha Pakistan Oo Ka Badbaaday Mooshin Xil ka-qaadis Ah

Raysal Wasaaraha Pakistan Oo Ka Badbaaday Mooshin Xil ka-qaadis Ah

(SLT-Islamabad)-Raysal Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa Axadda maanta ah ka badbaaday tallabo lagu doonayey in xilka lagaga tuuro, kadib markii guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka uu hor istaagay mooshin kalsooni kala noqosho ah oo uu ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn.

Inkasta oo uu badbaaday, hadana jihada Khan weli cadda, iyadoo mooshinkan uu horseeday xasillooni darro siyaasadeed oo cusub oo ka dhacda waddanka heysta hubka nukliyeerka ah ee 220-ka milyan oo qof ah.

Mucaaradka ayaa isla markiiba wacad ku maray inay kahortagayaan horistaagga codbixinta, oo uu sameeyay xubin ka tirsan xisbiga raysal Wasaaraha, halka Khan uu kula taliyay madaxweynaha dalka inuu kala diro Baarlamaanka, isagoo dadka Pakistan u soo jeediyay inay u diyaar garoobaan doorashooyin cusub.

“Waxaan talo ugu soo jeediyay madaxweynaha in uu kala diro goleyaasha,” ayuu yidhi Khan oo khudbad ka jeedinayay telefishinka, laakiin Bilawal Bhutto Zardari oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee Pakistan People’s Party (PPP) ayaa ballan qaaday in ay fadhi ku yeelan doonaan xarunta baarlamaanka, isagoo saxaafada u sheegay inay dacwad u gudbin doonaan maxkamadda sare.

Mucaaradka ayaa raysal Wasaare Khan ku eedeynaya inuu ku guul-dareystay soo nooleynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Waxa uu sheegay Khan, isaga oo aan soo qaadan wax caddeymo ah in tillaabada xilka lagaga tuurayo ay ka dambeeyeen Mareykanka, hadalkaas oo ay Washington hore u beenisay.

Ma jiro Raysal Wasaare dhammeystay muddo xileedkiisa shanta sanno ah tan iyo markii Pakistan ay xornimada ka qaadatay Britain sannadkii 1947-kii, waxaana dhowr jeer oo hore soo maamulay Pakistan Jeneraallo, kuwaas oo sannad walba khilaaf xooggan kala dhexeeyay waddanka ay deriska yihiin ee Hindiya oo ku hubeysan hubka Nukliyeerka.

More in News

To Top