(SLT-Hargeysa)-Dab xooggan oo xalay fiidkii ka kacay suuqa weyn ee ku yaalla badhtmaha magaalada Hargeysa. iyada oo ciidammada dabdamiska iyo Dawladda Hoose ee magaalada ay ku guda jiraan gurmad lagu deminayo dabka.
Dabka ayaa illaa saaka weli socda, wuxuuna aad u burburiyey inta badan hantidii taallay suuqa.
Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkani uu burburiyey hanti aad u badan, Wuxuuna baaq u diray maayarada magaalooyinka kale ee Somaliland inay gurmad u soo diraan.
Suuqa bacadlaha ah ee Waaheen ayaa ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeisa, waana suuqa ugu weyn, wuxuuna hoy u yahay kumanaan ganacsato ah oo iskugu jira kuwa yaryar iyo kuwa dhexeba.
Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo masuuliyiin badan oo ka kala tirsan xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaridka ayaa goobta booqday.
Saraakiisha Dabdamiska iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa sheegaya in illaa haatan lala tacaalayo dabka.