Connect with us

somalilandtoday.com

Sudan Oo Ku Hanjabtay In Ay Ceydhineyso Wakiilka Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobay

focus

Sudan Oo Ku Hanjabtay In Ay Ceydhineyso Wakiilka Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobay

Sudan Oo Ku Hanjabtay In Ay Ceydhineyso Wakiilka Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobay

(SLT-Khartoum)-Hoggaamiyaha Millatariga ee Sudan General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ku hanjabay in uu dalka ka eryi doono wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, oo uu ku eedeeyay in uu ka tallaabsaday shaqadii loo igmaday.

“Waxa aan maalin dhoweyd maqalnay aflagaadadiisa, isagoo been sheegaya, oo si cad u been sheegaya,” ayuu Burhaan ku yidhi khudbad uu Jimcihii ka jeediyay xaflad qalin-jebin ah.

“Haddii aad ka tallaabsato howsha laguu xilsaaray, waan kaa ceydhin doonaa Sudan.”

Hadalkan ayaa imaanaya maalmo uun ka dib markii wakiilka Qaramada Midoobay Volker Perthes uu golaha ammaanka warbixin ka siiyay dadaallada ka socda Suudaan, halkaasi oo uu soo hadal qaaday jahwareerka dhaqaale ee dalka, rabshadaha ka dhanka ah dibad-baxayaasha iyo mudnaanta kala guurka lagu gaadhayo doorasho.

“Waxa aan ku leennahay shaqqa gaar ah baad haysaa, waxaan kugu niri waan u furannahay in aad nala hadasho, laakiin in aad been sheegto oo aad isku daydo in aad maamusho dadka Suudaan, waanu kaa saaraynaa,” dalka, ayuu yidhi Burhan oo hoggaaminayay afgenbigii millatariga.

Hawlgalka Perthes waxaa ka mid ah la tashiyo isdaba joog ah oo ujeedkuna yahay in la gaadho xal siyaasadeed ka dib markii millatariga ay xukunka la wareegeen bishii October taasi oo soo afjartay awood-qeybsigii kala dhexeeyay xukuumaddii rayidka aheyd.

More in focus

To Top