Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Farmaajo Uu Khadka Telefanka Kula Soo Xadhiidhay Madaxweyne Biixi

focus

Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Farmaajo Uu Khadka Telefanka Kula Soo Xadhiidhay Madaxweyne Biixi

Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Farmaajo Uu Khadka Telefanka Kula Soo Xadhiidhay Madaxweyne Biixi

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Farmaajo ayaa la sheegay in uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la wadaagay tiiraanyada iyo walaaceenna ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargaysa.

“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”

Dhankiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa.

More in focus

To Top