Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Gobolka Oregon Eee Dalka Mareykan

focus

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Gobolka Oregon Eee Dalka Mareykan

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Gobolka Oregon Eee Dalka Mareykan

Magaalada Portland Gobolka Oregon ee dalka Mreykanka waxaa lagu dilay nin Soomaali ah, iyadoo dilkan ay sii kordhisay cabsida ay dareemayaan qoysaska Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool.

Ninka  la dilay oo lagu magacaabi jiray Shaani Maxamed ayaa u shaqeynayay Shirkadda Gaadiidka ee Uber, iyadoo meydkiisa laga helay meel aan ka fogeyn halka uu yaalay gaadhigiisa oo kamid ah Gawaadhida qaada dadka rakaabka ah.

Booliska Magaalada Portland Gobolka Oregon dalka Mreykanka ayaa durba bilaabay baadhitaanada dilka marxuumka, iyagoo su’aalo weydiiyay dad ka agdhawaa goobta dilka, ehelka marxuumka iyo qaar kamid ah maamulka Shirkadda Gaadiidka ee Uber ee uu u shaqeynayay, iyagoo wali aaney soo bandhigin sida uu dilkan ku yimid.

Shaani Maxamed oo 39 jir ahaa ayaa ifka kaga tagay sideed carruur ah iyo hooyadood, waxaana dadka ay hadal hayaan sida ay ku timid dilkan, goob joogayaal waxey sheegeen in danbiilaha uu goobta ka baxsaday kadib markii dilkan uu geystay, waxeyna laamaha amniga heleen cadeymo ay ka tixraaci karaan baadhitaanadooda.

More in focus

To Top