Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Falastiini Ah Oo Toogasho Ku Dilay Shan Israa’iili

focus

Nin Falastiini Ah Oo Toogasho Ku Dilay Shan Israa’iili

Nin Falastiini Ah Oo Toogasho Ku Dilay Shan Israa’iili

(SLT-Tel Aviv)-Nin Carab ah ayaa ugu yaraan shan qof ku dilay magaalada Tel Aviv ka hor inta aan toogasho lagu dilin salaasadii sida ay sheegtay waaxda adeegga gurmadka degdegga ah, waana weerarkii saddexaad ee lagu dilay dad u dhashay Israa’iil muddo toddobaad gudihiis ah.

“Israa’iil waxa ay waajaheysaa mowjado argagaxiso Carbeed oo dilaa ah,” ayuu Ra’iisul Wasaare Naftali Bennett kusoo qoray Twitter-ka kadib toogashada ka dhacday xaafadda Bnei Brak, oo ah magaalo Yuhuuda xagjirka ah oo ku taalla dulleedka caasimadda ganacsiga Israa’iil.

Toogashada loo geysanayo dadka Israa’iil ayaa kor u dhaaftay 11 qof oo ay rag hubaysan oo Carab ahi ku dileen Israa’iil usbuucii lasoo dhaafay, waana tiradii ugu badnayd ee weerarro lagu qaado waddooyinka magaaladan muddo sanno ah.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa cambaareeyay dilka loo geystay dadka rayidka ah ee Israa’iil, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dilka Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay horseedi doonto oo keliya in xaaladdu ay sii xumaato, isagoo ka digay weeraro aargoosi ah oo ay geystaan guud ahaan Yahuudda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee Wafa.

Muuqaal laga sii daayay telefishinada Israa’iil ayaa muujinayay nin ku labisan dhar madaw oo qoriga darandooriga u dhaca ku ridayay dad ku socday waddo ku taal Bnei Brak.

Warbaahinta Israa’iil oo soo xiganeysa saraakiil amni oo aan magacooda la shaacin ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu ahaa Falastiini kasoo jeeda tuulo u dhow magaalada Jenin ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed.

More in focus

To Top