Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay In Uu Isku Shaandhayn Samaynayo

focus

Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay In Uu Isku Shaandhayn Samaynayo

Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay In Uu Isku Shaandhayn Samaynayo

Warar hordhac ah oo ka soo baxaya isku shaandhaynta uu madaxweynuhu damacsan yahay ayaa sheegaya in xubnaha cusub ee uu xukuumadiisa ku soo darayo ay ku jiraan Amb Baashe Cawil oo noqonaya wasiirka arimaha dibada iyo Maxamed Nuur Caraale(Duur) oo wasiirka warfaafinta noqonaya.

Xubnaha uu ka bedelayo hay’addaha ay joogaan ayey wararku sheegayaan inay ka mid yihiin Saleebaan Cali Koore oo noqonaya wasiirka xanaanada xoolaha, wasaarada duulista oo la soo kordhinayo ayuu Cali Mareexaan wasiir ka noqonayaa, Ciise Kayd ayaa noqonaya wasiirka Biyaha, Yurub Abiib ayaa noqonaysa wasiir ku xigeenka arimaha debada iyo Tiimbaro oo badhasaabnimada uga soo dalacaya Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdirisaaq Ataash oo urur siyaasadeed cusub ku dhawaaqayaa ayaa isagana laga aqbalayaa iscasilaad uu gudbiyey, waxaana booskiisa loo magacaabayaa masuul cusub.

Sidoo kale xubnaha la filayo in laga qaadayo xilalka ay hayaan ayey ka mid yihiin wasiirka waxbarashada Axmed Toorno,wasiirka xanaanada xoolaha Siciid Sulub, wasiir ku xigeenka arimaha debada Cabdinaasir Cumar, wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Cali Cabdi, agaasimaha maalgashiga Maxamed Soomaali, agaasimaha  amniga Ibraahin Axmed Cali, agaasimaha guud ee macdanta Mukhtaar Maxamed Cali , agaasimaha guud ee deegaanka, agaasimaha guud ee xanaanada xoolaha Axmed Cali Maax iyo gudoomiyaha komishanka maamul wanaaga Liibaan Ismaaciil.

Sidoo kale waxa jiri Kara Masuuliyiin aynaan xusin oo laga qaadi karo xilalka ay hayaan iyo xubno ku soo bixi Kara isku shaandhaynta.

Wariye Abdirizak Goud Nour

More in focus

To Top