Connect with us

somalilandtoday.com

Isbaheysiga Uu Hoggaamiyo Sacuudiga Oo Aqbalay Xabbad-joojin

focus

Isbaheysiga Uu Hoggaamiyo Sacuudiga Oo Aqbalay Xabbad-joojin

Isbaheysiga Uu Hoggaamiyo Sacuudiga Oo Aqbalay Xabbad-joojin

(SLT-Riyadh)-Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay gelinkii dambe ee salaasadii inay joojinayaan howlgallada millatari laga bilaabo Arbacada, kadib baaqii Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ee Muslimiinta.

Qaramada Midoobay ayaa la shaqaynaysay xulafada millatariga ee Sucuudigu hogaaminayo iyo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran, kuwaas oo dagaal ku jiray ilaa 2015-kii, si loo helo heshiis nabadeed iyo in la yareeyo dhibaatada bini’aadantinimo ee xun ee ka jirta dalka saboolka ah.
Xabbad-joojintu waa tillaabadii ugu muhiimsanayd ee dadaallada nabadeed muddo saddex sanno ka badan iyadoo beesha caalamku ay la daalaadhacaysay sidii loo soo afjari lahaa colaad toddobo sanno ah oo ay ku dhinteen tobanaan kun, malaayiin kalena ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macaluul.

“Taliska ciidamada wadajirka ah ee isbaheysiga ayaa ku dhawaaqaya joojinta howlgallada milatari ee gudaha Yemen laga bilaabo Arbacada 6-da subaxnimo,” wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganeysa bayaan ka soo baxay afhayeenka isbaheysiga Brigadier General Turki al-Malki.

Go’aanka ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Yemen iyo in la gaadho xal siyaasadeed oo dhameystiran, ayay tidhi SPA.

Soo jeedinta Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaysa xabbad-joojin ku-meel-gaadh ah inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, taas oo lagu beddelayo in loo oggolaado in maraakiibta shidaalka ay ku soo xidhaan dekedda Xudeydah ee ay Xuuthiyiinta haystaan ​​iyo tiro yar oo duulimaadyo ganacsi ah si ay uga duulaan garoonka Sanca, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah. Ramadaantu wuxuu billaamaysaa toddobaadkan.

Ilaa 27-kii March, afar markab oo shidaal ah ayaa ku sugayay dekedda Xudeydah, oo uu ku jiro booyad ku xayiran aagga lagu hayo isbaheysiga ku dhawaad ​​saddex bilood, xogta Qaramada Midoobay ayaa muujisay.

More in focus

To Top