Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyay Shaqaaqo Hubka Fudud La Isku Adeegsaday Oo Ka Dhacday Deegaan Ka Tirsan Gobolka Awdal

focus

Wararkii Ugu Dambeeyay Shaqaaqo Hubka Fudud La Isku Adeegsaday Oo Ka Dhacday Deegaan Ka Tirsan Gobolka Awdal

Wararkii Ugu Dambeeyay Shaqaaqo Hubka Fudud La Isku Adeegsaday Oo Ka Dhacday Deegaan Ka Tirsan Gobolka Awdal

(SLT-Boorama)- Shaqaaqo Rasaas la isku adeegsaday ayaa shalay Galinkii hore ka dhacday duleedka deegaanka Boodhka ee degmada Baki ee Gobolka Awdal kaasi oo uu ku dhaawacmay Taliye ku xigeenkii qaybta booliiska Gobolka Awdal Cornel Cabdi Xasan Cismaan (C/Kiin ).

Shaqaaqaddan ayaa la sheegay inay ka bilaabantay kadib markii ay isku dhaceen Ciidan ka tirsan booliiska Somaliland ee Gobolka Awdal oo uu hogaaminayo Taliye Ku Xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka AWDAL  Cabdikiin oo goobta u joogay Nabad Ilaalin iyo Dad la sheegay inay dadka deegaanka yihiin oo hubaysan.

Wararka aanu ka helnay Goboka Awdal ayaa sheegaya inay Dadkan Ciidanka ay isku dhaceen ay dahab ka guranayeen Deegaanka Seemaal islamarkaana uu muran dhexmaray Ciidanka, sidaan uu dagaal ay xabad isku adeegsadeen uu dhex maray Ciidanka iyo Dadkaasi oo hubaysanaa, halkaasna ay ku dhaawaceen Taliye Xigeenkii  Qaybta Booliiska Gobolkaasi  Cabdi Xasan Cismaan (C/Kiin ) kaasi oo dhaawaciisa loola cararay Dhinaca Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Wararka kale ee Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa sheegaya in Xukuumaddu Ciidamo Xoojin ah ku daabushay Goobta Shaqaqaddu ka dhacday islamarkaana dad badan oo dadka deegaanka ah xabsiga lagu soo guray iyadoo warar qaar ay sheegayaan inay Dablaydii Dhaawaca u gaysatay Taliyaha ee ciidanka Dagaalka kala hortimid ay BUURAHA galeen kadib markii laga awood roonaaday.

Caaqil Cumar Cismaan oo ka mid ah Cuqaasha Gobolka AWDAL oo warbaahinta Boorama waraysi siiyay ayaa  ka hadlay shaqaaqaddan ka dhacday Deegaanka Boodhka ee Agagaarka Seemaal ee dhex martay Ciidamadda Amaanka iyo Dadka Halkaasi ka guranayay DAHAB. Waxa uu Caaqil ku baaqay in amniga la illaaliyo oo Ciidanka lala shaqeeyo.

More in focus

To Top