(SLT-Hargeysa)- Xisbiyada Mucaaridka Somaliland iyo daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxa ay ka dardaar werinayaan dib u dhac ku yimaadda doorashada Madaxtooyada Somaliland oo la filayo in ay sannadkan dabayaaqadiisa, gaar ahaan Bisha Nofeemnar ka qabsoonto guud ahaan dalka balse ay isa soo tarayaan walaacyo la xidhiidha in doorashadaasi dib uga dhacdo wakhtiga loogu talo galay ee kadib dhammaadka muddo xileedka xilka Madaxtooyada.
Inkasta oo aanu wali meesha ka bixin damacii xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi marar badan sida badheedhka ah ugu sheegtay in doorashada Ururrada Siyaasaddu ka soo horreyn doonaan doorashada Madaxtooyada, arrintaasina ay mar kale kasoo fakatay Guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE ahna Wasiirka Wasaaradda Daakhiliga Mudane Maxamed Kaahin Axmed, markii uu dhawaan safar ku marayay dalka Maraykanka ee uu ku sheegay in liisanka Ururradu dhacayaan Bisha June haddana waxa ay mar walba xubnaha xukuumadda qaarkood gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi ku celcelinayay in ay doorashadu wakhtigeeda ku dhici doonto iyaga oo aad uga gaabsanayay muddooyinkii ugu dambeeyey in ay arrinkaasi ka hadlaan.
Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa haddaba waxa ay bilaabeen olole ay kaga hor tagayaan in aanay doorashadu wakhtigeeda dib uga dhicin kadib markii ay kulamo iyo xidhiidho hoose la yeesheen xubnaha beesha caalamka ee Somaliland ka taageera Arrimaha doorashooyinka iyo dhismaha dimuquraadiyadda, waxaana xusid mudan kulamada xidhiidhka ah ee toddobaadkan magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxda Xisbiga WADDANI iyo Saraakiiil badan oo ka kala socotay waddamada Somaliland ka taageerada doorashooyinka, kuwaasi oo ka socday safaaradaha dalalkaasi ee fadhigoodu yahay Nairobi. Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa Nairobi waxa ay kula kulmeen safaaradaha badiba dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka kuwaasi oo ay u gudbiyeen sida ay mar walba axsaabta Mucaaridka ahi diyaarka ugu yihiin in doorashooyinku wakhtigooda ku dhacaan iyaga oo u soo kala horraynaya sida ay u kala horreeyaan, kuna baaqay in Beesha Caalamku soo dedejiso qaadhaanka dhinacooda kaga aaddan qabsoomidda doorashooyinka.
Ilaa imika ma cadda dadaallada xukuumaddu ku bixinayso sidii ay doorashada Madaxtooyadu wakhtigeeda ugu dhici lahayd iyo sida ay wax uga jiraan walaaca xisbiyada Mucaaridka ahi qabaan ee la xidhiidha in ay qorshaynayso muddo kordhin aan la cayimin wakhtigeeda.
Dhinaca kale Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa illaa imika ku adkaysanaya in ay doorashooyinku sida ay u soo kala horreeyaan u qaban doonaan iyaga oo sheegay in ay ku hawlan yihiin shaqooyinka ka horreeya doorashooyinka sida diiwaan galinta iyo arrimaha farsamo ahaan la xidhiidha waxaase walaac weyni ka jiraa riiqda xaaladda abaareed ee dalka oo saamayn weyn ku yeelan karta hawsha diiwaan galinta taasi oo haddii ay abaaruhu sii socdaan saamaynta ugu weyn ku yeelan karta hawsha diiwaan galinta.
Isku soo wada duuboo illaa imika si cad looma oga waxa xukuumadda uga meel yaalla xaaladdan iyo in ay iska barrixi doonto eedaha loogu jeedinayo in ay dib u dhac ku keenayso doorashooyinka taasi oo xaqiiqo noqon doonta haddii sida la filayo uu istaadhmo khilaaf dhinaca siyaasadda ah oo la xidhiidha hawsha diiwaan galinta ururrada siyaasadda oo ah udub dhexaadka khilaafka labada dhinac, waxaana maalmaha soo socda la kala ogaan doonaa sida hawshani u dhacdo kadib markii uu dorraad dalka dib ugu soo laabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo safar laba wiig ahaa qaatay ugu maqnaa dalka dibaddiisa.